+252 90 7798232 [email protected]

Garowe: Ururka Somali Relief Network of North America (SRNNA) ayaa maanta ku dhawaad ilaa 300 oo qof oo u badan caruur kasoo jeeda qoysaska danyarta ee ku nool magaalada Garowe u sameeyay qado alle bari ah oo isugu jidha Hilib iyo Raashin bisil.

Dr Aadan Maxamed Ciise Gadaale oo ah madaxa hay,adda Somali Relief Network ayaa sheegay in tiro 15 neef oo la qalay iyo raashin ay ku bixiyeen caasumada qadada.

Aadan Gaadaale waxa uu intaas ku daray inuu ururku maalmo kahor deeq biyo ah ka qaybiyay tuuladda uus_gure iyo deegaano kale oo ku teedhsan Degmadda Dangoranyo ee Gobolka Nugaal Waxaana Shaqadaan baaxdaweyn imaanaysaa Xili ay hay’adu udiyaar garoobayso Bisha barakaysan ee Ramadaan. Maadaama Looga bartay Quudinta Masaakiin Badan oo waqtigaas helin waxay Ku soomaan Ama Ku Afuraan .