+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 25/06/2014  kadhacday masjidka weyn Ee al huda magaalda garowe caasimada puntland  muxaadaro ciwaankeedu yahay  soodhaweynta bisha ramadaan waxaana soo jeedi yay sheikh fu,aad maxamuud xaji .

Sheikh fu,aad oo sidii caada u ahaydba  sitoosa mowduuca uguda galay  ayaa ka hadlay fadaa isha bisha ramadaan iyo wax yaabaha laga doonayo qofka muslimkaa .

Waxaa sheekhu  kadigay in aan lagu kadsoomin  wax yaabaha  soonka nus qaamiya waxaana sheekhu aad ugu  dheeraaday kadigitaanka daawa shada  musalsalaadka iyo cayaaraha  oo sheekhu sheegay  in ay tahay maantay wax yaabaha lagu ib tileeyay  soomaalida meelkas too ay joogto waxaana sheekhu sigaara  uga digay  musalsaladka waxaana  sheekhu  cadeeyay in uu yahay wax loogu talagay  in umada lagu fitneeyo  ,

Waxaa kaloo sheekhu ka hadlay dadka ramadaan ka maalintii  seexda  habeen kiina  kusoo jeeda wax yaabaha   lagu  waayo  ajarka ramadaanka sida turubka / laadhuuga / dumnada iyo wax lamida waxaana sheekhu sheegay dadkaasi in ay  san lahayn wax ajara  halka loo ga  baahnaa in ay cibaado iyo camal wanagsan ku qaataan

Waxaa kaloo sheekhu fariin  udiray dhamaan TV yada soomaaliyeed waxaana sheekhu  ugadigay in aysan umadooda fitnayn oo kadaayaan wax yaabaha xunxun oo ay kamid yihiin musalsalaatka iyo riwaayadaha umada ay usoodaayaan waxana sheekhu yiri waa in ay kudaydaan  TV yada islaamigaa oo umada usoo daya waxa wanaagsan ee  katarjumaya diintooda ,

Waxaa  sidoo kale  sheekhu  kahadlay in ay umadu ka faa iidays taan  fursadaan qaaligaa  waxaana sheekhu sheegay  in qofkii bisha ramadaan  udhalato oo aan loo toobad keenin  uu kudhacayo habaarkii  NABIGEENA MUXAMAD SALALAAHU CALEEHI WASALAM

Waxaa sheekhu ugu danbayn tii lagu waydii yay  su,aalo dhowr ah waxaana sheekhu u ga jawaabay sidii sawaabka ahaa waxaana la dheefay cilmi aad u badan

DSC06298DSC00905 DSC06299DSC00505 DSC06300 DSC06301  DSC06306