+252 90 7798232 [email protected]

Nadwada oo sanadkaan Ciwaan looga dhigay  ( مشكلات أسرية وظواهراجتماعية مع حلول مناسبة ) Waxaana kasoo qayb galay Culima Awdiin Caanka ah geeska afriga  waxaana mudada ay soconayso nadwadu Culimadu kusoo bandhigayaan mowduucyo kala duwan oo kuwajahan qoyska muslimkaa iyo waxay ku badbaadi lahaayeen Aakhiro iyo aduun .

Waxaa kalimadda nadwada furay Gudoomiyaha Mu,asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax Waxaana Uu warbixin Kooban kabixiyay nadwada iyo waqtigay socon doonto.

Waxaana uu warbixin faahfaahsan kadib  kusoo dhaweeyay  Sheekh Cabdi Rashiid Maxamed Ismaaciil Oo kuhadayay Magaca Culimada waxaana sheekhu Kusoo dhaweeyay  Culimadii Safarka kutimid Masjidka Al-Huda .

Intaaskadib waxaa lagusoo dhaweeyay Gudomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi qani Xaashi Cali waxaana uu u mahad celiyay Mu,asasada Alminhaaj isagoo kutilmaamay minhaaj in ay tahay calaamad lagu dayan karo waxaana uu ku booriyay  dadaalka in ay sii laba jibaaraan waxaana uu dhankiisa Culimada kusoo dhaweeyay Caasimada Puntland iyo Gobolka Nugaal waxaana uu u rajeeyay culimada in cilmigooda eebe u barakeeyo.

Waxaana si rasmi ah nadwada udaah  furay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Iyo danqan celinta Dowlada Puntland  Ismaaciil Maxamed Warsame waxaana uu kutilmaamay nadwadaan in ay leedahay Ciwaan aad u qiimi badan waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka faa iidaystaan isagoo dhan kiisa u duceeyay dhamaan Cidii kasoo shaqaysay waxaana uu gabagabadii  u duceeyay Dhaman Culimada waqti gooda u soo huray bulshada in ay u faa iideeyaan .

Waxaa makarafoonka lagusoo dhaweeyay  Sh.Xasan Maxamed Muuse (Xasan  Bookh)  Oo ku qornaa Nadwada darsigii ugu horeeyay ee caawa waxaana uu qaadaadhigay ciwaanka ah Qoyska Muslimkaa waxaana sheekhu ku dheeraaday  habka diinteenu u jidaysay in loo maro guurka isagoo xaaraan ku tilmaamay isla bixida wax lalayaabana kusheegay in nin gabar uu dhalay reero ninkood loogeeyo  islamrkaana loosameeyo walaayad ama mas,uuliyad uusan eebe siin .

waxaana  sheekhu  ugu baaqay odayaasha gabdhaha dhalay in haduu rabo in uu uguursho gabdhiisa nin uusan u baahnayn wadaad iyo howl badan ee laga doonayo oo kaliya markhaatiyaal iyo in uu dhaho  oo kaliya waan kuu guurshay gabdhayda isna uu aqbalo.

Waxaa isna kalimad kooban oo dardaaran ah raa ciyay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf Oo isna dhan kiisa  kadigay masaafada iyo dhibka ay ku hayso Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay bulshada in ay waxaas khariban iska ilaashaan  waxaana sheekhu sheegay in la arkay gabar bil gudaheed sadex nin guursatay waaxaana sabab u ah ficiladaan khaldan .

NUUR JAAMAC AADAN XAFIISKA WARBAAHINTA ALMINHAAJ PUNTLAND

[email protected]

vlcsnap-2014-12-15-23h44m36s125 vlcsnap-2014-12-15-23h44m40s170 vlcsnap-2014-12-15-23h45m17s22 vlcsnap-2014-12-15-23h45m32s172 vlcsnap-2014-12-15-23h45m36s215 vlcsnap-2014-12-15-23h45m44s35 vlcsnap-2014-12-15-23h46m22s160 vlcsnap-2014-12-15-23h46m31s250 vlcsnap-2014-12-15-23h46m38s66 vlcsnap-2014-12-15-23h47m31s85 vlcsnap-2014-12-15-23h47m34s118 vlcsnap-2014-12-15-23h47m59s112 vlcsnap-2014-12-15-23h48m21s70 vlcsnap-2014-12-15-23h48m27s128 vlcsnap-2014-12-15-23h48m31s174 vlcsnap-2014-12-15-23h48m39s250 vlcsnap-2014-12-15-23h48m54s142 vlcsnap-2014-12-15-23h49m47s168 vlcsnap-2014-12-15-23h49m52s210 vlcsnap-2014-12-15-23h49m57s4 vlcsnap-2014-12-15-23h50m12s162