+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa habeenkii 4aad sitoos ah uga socota masjidka alhuda Caasimada dowladda Puntland nadwa cilmiyeed kii 7-aad ee sanadwalba lagu qaban jiray Garowe .

Waxaana caawa muxaadarada qaybteedii hore  soojeedshay Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Sheekhu Ciwaan ugadhigay (Islaamka Iyo Xuquuqda Dumarka )

Waxaana sheekhu faahfaahin dheer kabixiyay in dIinta islaamku tahay tankaliya ee dumar xaqdhowrta islamarkaana ilaalisa  sharaftooda iyo Caafimaadkooda  halka dowladaha sheegta dumarbaan cadaalad usamaynaa ay kushaqeeyaa ilaa la arkay islaan bulukeeti dhabarka ku sida oo guridhisaysa .

Waxaa kaloo sheekhu sooqaatay tusaalooyin dhowrah kuwaas oodhamaan kahadlaya shirqoolka gaaladu ladamac santahay gabdha muslimkaa sheekha oo hadalkiisa siiwada aya yiri majirto reer galbeed cid ugadaran dumar sababtu way kushaqaystaan waana dulmiyaan heer ay gaareen in qofta dumarkaa loogu magacdaro nikii guursada horayna sidii xoolihii ayaa loodhax lijiray  halka  islaamkuna Kasoo horjeedo dhamaan Xadgudubka  Sharafta  banii aadamkaa.

Iskusoo duuboo waxaa sheekha darsigiisa dhagaysanayay boqolaal dadweyna ah  halka maaliin qofna kalasocdee Idaacadda AlXikma Iyo Halgan.net Oo sitoos ah looga dhagaysanayay daafa caalamka.

Waxaa muxadarada qaybteedii labaad Soo jeedshay Sh.Cabdi Risaaq Mire Gaataa waxaana sheekhu  sibaaxad weyn u qaadaa dhigay (Akhlaaqiyaadka Qoyska muslimkaa ) Sheekh cabdirisaaq ayaa kumicneeyay  qoyska mulimkaa ee akhlaaqda wanaagsan leh in uu caalam koodhan badali karo sidaas darted aya loo baahan yahay in qoyska muslimkaa uu akhlaaqdiisa hagaajiyo isagoo kaga dayanaya qoysaskii Rasuulka Sallalaahu  calayhi wasalam .

Waxaana caawa si hamsami ah kusoo dhamaatay habeenki afraad oo xiriirah waxaana loo balansan yahay habeen danbe iyo khitaamkii nadwada iyo bayaankii culimadu kasoo saartay .

Nuur Jaamac Aadan. Xafiiska warbahinta Mu,asasada Alminhaaj Puntland ([email protected])

vlcsnap-2014-12-19-05h20m02s95vlcsnap-2014-12-19-05h21m37s21 vlcsnap-2014-12-19-05h19m43s167vlcsnap-2014-12-19-05h17m41s224

vlcsnap-2014-12-19-05h21m41s57   vlcsnap-2014-12-19-05h18m36s4 vlcsnap-2014-12-19-07h17m07s76 vlcsnap-2014-12-19-07h16m31s228 vlcsnap-2014-12-19-07h16m52s178 vlcsnap-2014-12-19-07h16m59s249 vlcsnap-2014-12-19-07h16m25s122 vlcsnap-2014-12-19-05h18m06s211