Waxaa caa wa oo taariikhdu tahay 20.12.2014 lagusoo afmeeray magaaladda garowe caasimada dowladda Puntland kulan cilmiyeed 7aad kasocday masjidka Alhuda Ee maagalada Garowe.
Waxaana culimadu kaga hadleen mudadii ay socotay mowduucyo kala duwan kuwaas oo dhamaan taabanayay jirooyinka bulshadu ay qabto iyo wixii dawo unoqon lahaa waxaana sanadkaan ciwaan looga dhigay nadwada (مناسبة حلول مع وظواهراجتماعية أسرية مشكلات)
Waxaana dad weynuhu culimada soo weydiinayeen su,aalo muhiim u ah bulshada halkaas oo culimadu uga jawaabayeen kana shaafinayeen dhamaan su,aalihii ay qabeen .
Waxaana culimadu mudadii ay wadeen nadwadaan garabsocotay kuwa si gaargaar ah loogu beegsanayay bulshada qaybaheeda kaladuwan waxaana kamid ahaa goobaha culimadu waanada usoo jeedisay. Dowlada oo ay lakulmeen golaha wasiirada iyo madaxweyna kuxigeenka sidoo kale waxaa kamid ahaa jaamacadaha .Schoolada .ganacsatada . haweenka .ardayda xalaqaadka kabarata garowe.
Waxaana caawa culimadu sidii caadada u ahaydba ay kasoo saartay bayaan dhinacyo badan taabanaya oo kakooban 15 qodob bayaan kan waxaa saxaafada u akhriyey Sh.Cabdi Qani Qorane Maxamed.
waxaaana nadwada soo xiray wasiirka wasaaradda cadaalada iyo arimaha diinta Ismaaciil Maxamed Warsame waxaana wasiirku sheegay cilamadu in ay soo saareer bayaan dhinacyo badan taabanaya wuxuuna balan qaaday wixii dhankooda ah in ay u qaadanayaan siday tahay isagoo bulshada in teeda kalena ugu baaqay in ay wixii dhankooda ah ay fuliyaa .
NUUR JAAMAC AADAN
XAFIISKA WARBAAHINTA MU,ASASADA ALMINHAAJ PUNTLAND
Halkaan Ka Akhriso bayaan kii Culimada Ama Hoos kadhgayso
Bayaanka gunaanadka kulan cilmiyeedkii 7aad ee magaalada Garoowe 1436H- bisha 12aad 2014