+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa xalay oo jimca ahayd kadhacday masjidka Al-Huda magaalada garowe Muxaadaro aad u qiimi badan waxaana soo jeedshay Culimo uu hogaaminayay Caalimka Soomaaliyeed Sh.Cali Warsame waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday Ahmiyada ay leedahay In dadka loogu yeero diinta Allah islamar kaana looga digo wax yaabaha keena halaaga iyo naarta .
Waxaa isna dhan kiisa soojeedshay muxaadaro soo jiidatay boqolaal muslimiin ah Sh Maxamed Aadan Cabdille waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu barato iskaashiga khayrka iyo midnimada walaal nimada waxaana sheekhu qiray in hadii bulshadu qaadato midnimada iyo isku duubnaanta in bulshadu gaarayso horumar dhan walba leh.
waxaa sidoo kale ka mid ahaa culimadii masjidka Al-Huda caawa Muxaadarada kasoo jeedshay Sh Aadam Maxamed Cigaal waxaana sheekhu diirada saaray dhibaatada ay leedahay Qabyaaladu iyo gaala raacnimada waxaana sheekhu kadigay dhibaatada qabyaalada iyo gobalaysiga aan ku dhis nay diinta islaamka .
Isku soo duuboo muxaadaradaan ayaa imaanaysa xili aad loogu baahnaa waxaana caawa masjidka ka soo xaadiray dad aad u farabadan ku waas oo aad u danaynayay dhagaysiga khayrkaan waxaana dadka laga dareemayay in ay aad ugu farx sanaayeen aragtida Sheekha Caankaa Ee mudo dheer usoo halgamay Fidinta dacwada iyo Baahinta ku dhaqan keeda Sh.Cali warsame waxaana masjidka soo buux dhaafshay boqolaal dad weyne ah oo idaacadaha ka maqlay Ogaysiiska In Sheekh Cali warsame Kuqoran yahay Muxaadarada.
Waxaa sidoo kale caawa lafilayaa in Muxaado kale caawa kadhacdo islamasjidka Al-Huda waxaana lafilayaa in ay kasoo qayb gali doonaan Culimo ay kamid yihiin Sh.Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf .

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj Puntland


vlcsnap-2015-05-01-07h35m19s77

vlcsnap-2015-05-01-07h35m54s174

vlcsnap-2015-05-01-07h36m09s69

vlcsnap-2015-05-01-07h36m18s160

vlcsnap-2015-05-01-07h36m40s117

vlcsnap-2015-05-01-07h36m46s180

vlcsnap-2015-05-01-07h37m08s150

vlcsnap-2015-05-01-07h37m27s80

vlcsnap-2015-05-01-08h55m18s201

vlcsnap-2015-05-01-08h55m26s22

vlcsnap-2015-05-01-08h57m05s247

vlcsnap-2015-05-01-08h57m08s20

vlcsnap-2015-05-01-08h57m11s46

vlcsnap-2015-05-01-08h57m14s80vlcsnap-2015-05-01-14h34m24s136

vlcsnap-2015-05-01-14h34m42s58

vlcsnap-2015-05-01-14h34m56s201

vlcsnap-2015-05-01-14h35m00s237

vlcsnap-2015-05-01-14h35m04s19

vlcsnap-2015-05-01-14h35m08s67