+252 90 7798232 [email protected]

Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo saa agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Boqolaal Dad weyne ah oo isku gu jieay Maamulka Dugsiga Hoose Dhaxe Ee Al-Xikma Garowe  Xubna kasocda Gudoonka Waxbarashada Nugaal /Waalidiin Iyo Marti Sharaf kaloo Badan .

Waxaana ardayda Dugsiga wax kabarata Ay soo Jeediyeen Areyo Ay kaga digayeen (Diyaanada/ Tahriibta /Qaadka / waxayna  ku cabirayeen Suugaanta Soomaalida .

Xafladaan Oo Dadweynihii Goobjooga ahaa Ay kasoo baxeen iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo rayn rayn una mahad celiyay Maamulkii Iyo Macalimiintii Ardaydaan Sida wanaagsan Usoo Barbaarshay .

Ardatda Kabaxday Fasalka 8Aad ka ayaa macalimiin tii wax soo baray Gudoon siiyay Shahaado Sharaf Waxaa kaloo Maamulka Dugsiga Hoose Dhaxe Ee Al-Xikma Garowe Abaal Marimo qaali ah Gudoon siiyay Ardaydii Kaalimaha Hore Kagalay Imtixaankii Sanadka.

Ugu danbayn tii waxaa goobta kahadlay waaridiin iyo maamulka Dudsiga AL-Xikma waxaana Xaflada Sooxiray Maamulaha Schoolka Sh.Jaamac Siciid Isagoo Dhankiisa Ardayda Iyo Waalidiintaba Ugu Baaqay In ay Isku Duubnaadaan Kana shaqeeyaan Sidii Ay Ku horumarin lahaayeen Waxbarashadooda waxaana uu sigaara uladar daarmay Ardayda Kabaxday 8aadka  In ay dadaal koodii meeshii kasii wadaan .

Nuur Jaamac Adan 

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-minhaaj Puntland

[email protected]

IMG_2177 IMG_2190 IMG_2192 IMG_2194 IMG_2198 IMG_2199 IMG_2203 IMG_2206 IMG_2208 IMG_2209 IMG_2211 IMG_2213 IMG_2218 IMG_2221 IMG_2233 IMG_2283 IMG_2285 IMG_2296 IMG_2297 IMG_2300 IMG_2323 IMG_2325 IMG_2341 IMG_2346 IMG_2354 IMG_2371 IMG_2373 IMG_2381 IMG_2382 IMG_2425 IMG_2426 IMG_2427 IMG_2429 IMG_2440 IMG_2448 IMG_2452