Xafladaan Oo ahayd Mid Si wanaagsan loo soo agasimay Ay kadhacday Masjidka Weyn Ee Al-Huda Magaalada Garowowe waxaana kasoo qayb galay Xubnaha u sareera Dowladda Puntland Waxaana hogaaminayay MadaxweynECabdi Wali Maxamed Cali Gaas ,Gudomiyaha Baarlamanka Siciid Xasan Shire ,WasiirKa Cadaalada Mudane Saalax Xabiib ,Gudomiyaha Gobolka Nugaal C/lahi Ciise Aw Axmed . Culimo Awdiin Uu kamid aha Sheekh Maxamuud Xaaji Yusuf .
Waxaana ugu horaynba Xaflada Kahadlay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana uu Sheekhu Kudardaarmay In Dowlada Iyo Shacab ba Laysku kaashado Sidii Loo Hormarin lahaa Kitaabka Allah Barashadiisa Iyo Ku dhaqan Kiisa .
Gudoomyaha Guud Ee Mu’asasada Al-Minhaaj Ayaa kawarbixiyay Danta ay Mu’asasadu kaleedahay Inay sandwalba Qabtaan Tartankaan waxaana Uu Sheegay In ay tahay sidii Korloogu qaadilaha Kalaamka allah waxaana uu u mahad celiyay In Allaae Iyo Cidii Kaqayb Qaadatay Taabagalin Tartan kaan Oo Ugu Horeeye Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof.Abdi Wali
Waxaa isna dhankiisa bogaadiyay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/ Lahi Ciise Aw Axmed waxaana uu sheegay sida ay ugu faraxsan yahay in uu kasoo qayb galo xafladaan qiimaha badan oo aysan jirin xaflad laqabto oo kaqiimo badan isago raacshay in ay ka maamul gobol ahaanna ay soo dhawey nayaan in sanad walba lagu qabdo Caasimada .
Sidookale waxaa iyana dhankooda Xafladaan kahadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo wasiirka Caaalada waxayna Kutilmaameen In ay tahay Tani Midku dayasho Mudan Waxayna Shacabka Ugu baaqeen In Laxoojiyo Qur’aanka kariimkaa.
Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlada Puntland waxaana uu ku dheeraaday Baahida Bulshadu u qabto In Barashada Qur’aanka kariimkaa waxaana uu sheegay Madaxweyne Gaas Waqtiga ilmuhu uu wax baranayo In ay tahay waqtiga uu korayo garaadkiisu Saasdarteed Ay mudan tahay in Il Maha labaro Diinta waxaana madax weynuhu Abaalmarimo Lacagee oo kaladuwan gu doonsiiyay Ardaydii Galay Kaalimaha Hore galay waxaana sanadkaan ku guulaystay Kalainta 1-aad Ee 30Jus Shucayb Xasan Maxamed Cali Oo Kasocday Degmada Ufayn Waxaana uu ku guulaystay Darajada %98waxaana abaal marin loosiyay $300 waxaa kaalinta 2-aad Galay Ibraahim Deeq Barkhadle waxaana uu kasocday Magaalda Boosaaso %96.5waxaana abaalmarin loosiiyay $1800 Ardayga Galay Kaalinta Sadaxaad Axmed Xasan Axmed %93.5 waxaana uu kasocday Degmada Waaciya waxaana Laiiyay Abaal Marin$1100 Intaas waxaa kudhaaaday Kalimihii 30Jus Waxaa lagalay 20Jus Ardayga kalainta 1aad galay C/raxmaan C/laahi Maxamed kasocda Qardho Darjada %98 abaalmarin $1000 Kalinta labaad C/raxmaan Xasan Adan Kasocda Degmada Galdogob %95 Abalmarinta $600 Ardayga Galay Kaalinta 3Xaad C/waliCali Axmed Kasocda Degmada garowe Darajada %94.5 Abaal Marinta $500 Waxaana Lasii waday Qaybinta Kaalimaha Kuxiga Sida Ardaydii kutartamaysay 10Jus Iyo Ardaydii Kale Ee Iyagana Lasiiyay Abaalmarimo Kaladuwan
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada AL-Minhaaj