+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Masjidka Al-Huda Garowe Tartanka Qur’aanka Kariimkaa Degmada Garowe Ee Caasimada Dowladda Puntland  waxaana ku tartamayay Inta badan  Dugsiyada  Qur’aan Waxaana kasoo qayb Galay Arday Garaysa 89 Iskugu Jira  wiilal Iyo Gabdho waxayna kakala socdeen 16 Dugsi Qur’aan.

Gudigii Qaadayay tartankaan ayaa kawar bixiyay farqiga u dhaxeeya sanadadii hore iyo sanadkaan waxayna cadeeyeen in is badel weyn oo dhanka horumarka ah ay ardaydu qaadeen markii loo eege sanadadii hore .

Xafladaan Qur’aan akhriska  Waxaa kasoo Qaybgalay Culima Awdiin Isimada Dhaqanka Mu’asasada Alminhaaj  Waaridiin Iyo Marti Sharaf kaloo badan  Dhamaan mas’uuliyiintii kala duwanayd ee kahadlay Xafladda ayaa qiray Muhiimada ay leedahay Xafladahaan oo kale  Iyagoo Dhankakalena u Mahad Celiyay Macalimiintii Iyo Ardaydii Waqtiga dheer kusoo bixiyay Diyaarinta Tartankaan.

Sh Mukhtar Axmed Farax Oo Kuhadlayay Mamulka Mu’sasada Alminhaaj ayaa kawarbixiyay Danta laga leeyahay Insanadwalba Lagu Tartamo Qur’aanka waxaana uu sheegay in ay tahay  Sidii loo helilahaa dad xifdisan Qur’aanka islamrkaana Dhaqan u yahay Kitaabka Allah .

Ugu Danbayntii Waxaa Lashaaciyay Natiijada Kalimihii  ay ardaydu  kala galeen waxaana Waxaana Ardaygii Galay Kaalinta 1aaw Lasiiyay Abaal Marin gaaraysa $200 halka ardaydii  ka gashay kaalimaha hore 20jus /5jus lasiiyay Abaalmarimo lacageed oo kaladuwan.

vlcsnap-2016-06-19-00h04m46s117 vlcsnap-2016-06-19-00h01m21s420 vlcsnap-2016-06-19-00h03m07s961 vlcsnap-2016-06-19-00h09m37s446 vlcsnap-2016-06-19-00h10m32s531 vlcsnap-2016-06-19-00h09m48s697 vlcsnap-2016-06-19-00h10m09s804 vlcsnap-2016-06-19-00h08m36s711 vlcsnap-2016-06-18-23h58m21s787 vlcsnap-2016-06-18-23h58m32s237 vlcsnap-2016-06-18-23h58m47s989 vlcsnap-2016-06-19-00h10m21s716 vlcsnap-2016-06-18-23h57m13s392 vlcsnap-2016-06-18-23h57m29s361 vlcsnap-2016-06-18-23h58m01s700