Habeenimadii Jimcada soo galaysay waxaa Masjidka Weyn Al- Rowda Boosaso Lagu Qabtay Nadwo Kooban oo aad Muhiim u ah . Nadawadaa oo ay qayb galeen Qaarka Mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliyed ee ku sugan Gudaha Magaalada Boosaso ayaa Waxaan Lagaga Hadlayey xaaaladaha abaareed iyo colaadeed ee kaJira dalka Soomaaliya.
Culimadu Waxay Si gaar ah uga Hadleen Colaada ka Taagan Gobolka Mugud Gaar ahaan Magalada Gaalkcyo ee xarunta gobalka Mudug.
Ugu Horreyn Waxaa Nadwada Furay Sheekh Faarax Cajab oo ka warbixiyey xaalada adag ee kajirta wadanka.[nggallery id=23]
Sheikh Axmed Daahir Xasan oo kalmadii ugu horeysay jeediyey ayaa aad ugu dheeraadey xaalada abaaraha ee wadanka ka jirta Waxa uu Faafahin ka Bixiyey Abaarta Ka taagan Gobolada soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Sheekha Waxaa Hadalkisa ka mid ahaa” Waxaa nasoo gaaraysa iney jiraan Dad iyo Duunyo Cidla Looga Tegay ,Xoolihii intii Gaanaha ayaa labiila Waad Ogtihiin intee ayaa Xoola Labiili karaa Waxa Dhacaya Waa Wax Naxdin leh .”
Sheekhu Waxa uu Dadka Allah wax u dhiibay ka Codsaday iney dadka tabaalaysan gacanta aaney ka Laaban oo ay gargaar ufidiyaan .
Sidoo kale Sheekh Cabdiwaaxid oo Ka Mid ahaa Culimadii Nadwada kalmaadka ka soo jeediyey ayaa Hadaladiisii Waxaa ka Mid ahaa “ Macaasidii ayaa inna Ku Badatay Waxad Ogtihiin Haddii Macaasidu Badato in aan Roob la helayn” .