Bacaadweyn:- Wakiilka Xafiiska Mu’assasada Al minhaaj Mudug Bacaadweyn Ustaad Maxamuud Cabdirashiid Jaamac ayaa saaka Booqday Dugsiga Hoose,Dhexe Iyo Sare Ee Barbaarshe waxa uuna ardayda usoo jeediyay Dardaar ku Aadan Udiyaar garowga Imtixaanaadka dhawaan la Filayo inay bilowdaan.
Ustaad Maxamuud Cabdirashiid Jaamac ayaa ardayda la wadaagay Talooyin wax ku oola, oo ku Aadan Hababka ay Araydu ugu diyaar garoobi karaan gelidda Imtixaanaatka,si buu yiri Arday waliba uu uga dhabeeyo hamigiisii ahaa ka guul gaarista Waxbarashadiisa.
Sidoo kale Ustaad Maxamuud ayaa ku dhiirageliyay ardayda inay sameystaan Group-yo isku xiran oo wax isla Akhrista iskuna faa’ideeya,waxayna keenaysaa in ardaygu uu helo Nashaadaad uu wax ku akhriyo.
Intii ay socotay Kalimaadka Dhiiragelinta ahaa ee usoo jeedinayay Ustaad Maxamuud Cabdirashiid Jaamac ayaa ardaydu waxay ahaayeen kuwa ku mashquulsanaa Qorista Macluumaadka loo soo jeedinayay iyadoo gabagabadiina su’aalo weydiinayay Ustaadka.
Si kasta ha ahaate dhawaan waxaa Deegaanada Puntland ka bilaabanaya Imtixaankii Dugisiyada Hoose/Dhexe Iyo Sare ee Sanad Waxbarasheedka 2017/2018 waxaana Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Mu’assasada Al minhaaj Mudug uu bilaabay Olole balaaran oo ardayda lagu wacyigelinayo sidii ay ugu Diyaar garoobi lahaayeen Imtixaanaadkaasi.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Alminhaaj Mudug