+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:-Gudoomiyaha Mu’assasada Al-Minhaaj Mudug Ustaad Axmed faratooyo ayaa maanta kala qeybgalay Xaflad si heer sare loo agaasimay oo lagu sagootinayay Ardayda Fasalka Afaraad ee Dugsiga Sare Ee Iskuulka Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Gudoomiyaha Mu’assasada Al-Minhaaj Mudug oo ka mid ahaa dadkii lagu sharfay inay kalimaad dhiiragelin ah lawadagaan ardayda, ayaa ardayda waxa uu kala hadlay Ahmiyada waxbarashadu leedahay isagoona ku amaanay ardayda juhdiga iyo dadaalka dheer ee ay soo bixiyeen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ammaan iyo boorin usoo jeediyay Maamulka Sare ee Iskuulka Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Barrayaashiisa waxa uuna ku dhiirageliyay inay sii wadaan Dadaalka ay Bulshada Soomaaliyeed uwadaan.

Gudoomiye Faratooyo ayaa ardayda waxa uu kula dardaarmay inay heerka koowaad ee Jaamacadda ay ka dhigtaan Jaamacadaja dalka si lamida sidii ay Dugsiga Sare ugu dhiiradeen inay ku dhameystaan gudaha Dalka,waxa uu Gudoomiyaha ka sheekeeyay qaar ka mida ardayda soomaaliyeed ee Dalka Dibadiisa jaamacadaha u aaday kadibna ugu fashilmay inay ka dhabeeyaan Hamigoodii waxbarasho.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxa uu ubalan qaaday Ardayda inay Mu’assasada Al-Minhaaj ay diyaar ardayda ula tahay wixii saacidaad ah oo ay kaga baahdaan maadaama buu yiri ay mu’assasadu ka shaqeyso Hormarinta Waxbarashada.

Si Kastaba ha ahaatee Khudbadda Gudoomiyaha Mu’assasada Al-Minhaaj Mudug Ustaad Axmed faratooyo oo ahayd mid isugu jirtay Dardaaran iyo Tusaaleyn ayaa ardaydu waxay ahaayeen kuwa aad ugu faraxsan kalimaadkaas loo soo jeedinayay.

 

 

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al-Minhaaj Mudug