+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:- Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa maanta kormeer ku aadan  ukuurgeliida Baahiyaha ka jira Masaajidda waxay markale ka bilaabeen Magaalada Galkacyo.

Kormeerkan oo soo bilowday horaantii bishan ayaa waxaa madaxda Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ku tageen Masaajidda kala ah:-

  • Masjidka Bader
  • Masjidka Al Raxma
  • Masjidka Faaruuq

Masuuliyiinta oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Al Minhaaj Mudug Sheekh C/raxmaan Xasan Maxamed ‘’Qoryooleey’’ayaa kulama kala duwan la yeeshay Maamulka Masaajidda ay booqdeen waxayna kala hadleen Xaaladaha Dacwadeed ee ka jira Masaajidda ay Maamulaan.

Maamulada Masaajiidda ayaa intooda badan waxay ka sheekeeyeen Hawlaha Dacwada ee ka jira Masaajidda sida Duruusta laga Akhriyo Masaajiidda Iyo Nashaadaadka kale ee ay qabtaan.

Sidoo kale Maamulada Masaajidda maanta ay booqdeen masuuliyiinta Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta ayaa aad usoo dhaweyay Mu’assasada Al Minhaaj Mudug waxayna ammaan iyo Dhiiragelin usoo jeediyeen Maamulka sare ee mu’assasada oo kasbaday quluubta dad badan oo aan horey u aqoon.

Intii uu socdey kormeerka ayaa masuliyiinta Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta waxay su’aalo weydiinayeen Maamulada Iyo Imaam yada masaajidda ay booqdeen,iyagoona uga xog waramayay Duruusta iyo Nashaadaadka ay masaajiddu qabtaan,waxayna qaarkood soo gudbiyeen codsiyo ku aadan sidii looga caawin ka qeyb qaadashada  Dayactirka Masaajidda.

Si kastaba ha ahaatee kormeerkan ay wadaan Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug  ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo bil gudaheeda waxayna masuuliyiinta xafiisku ay sheegeen inay sii wadayaan kormeerada nooca ah inta ay ka soo gunaanadayaan.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug