Galkacyo:-Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ ayaa maanta qado sharaf usameeyay wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug sheekh Cawil Axmed Muumin.
Qado sharaftan oo ujeedkeedu ahaa sidii la isugu Xogg warami lahaa oo loo kala qaadan talooyin wax ku ool ah ayaa dhammaan Xubnihii goob jooga ka ahaa waxay is dhaafadeen warbixino muhiim ah oo ku aadan sidii loogawada shaqeyn hormarinta Mu’assasada Al Minhaaj Mudug.
Gudoomiye Faratooyo oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa aad uga mahadceliyay wafdiga iyo Gudoomiyihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Sheekh Cawil Axmed Muumin sida wacan ee ay usoo ajiibeen iyo talooyinka wanaagsan oo ay usoo jeediyeen maamulka xilligan talada haya.
Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad C/raxmaan Sheekh Bilaal Caad waxa uuna ustaadku uu aad ugu dheeraadey ka sheekeynta waxa uqabsoomay ilaa iyo inta ay xafiiska joogeen,isagoona carabka ku adkeeyay in dadaal iyo juhdi dheeri ah ay dhawaan ku bixin doonaan sidii ay usii laba jibaari lahaayeen waxqabadkooda.
Intaasi ka dib waxaa madasha iyguna ka hadlay Wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug oo qaarkood ay ka mid ahaayeen Golihii Fulinta, waxayna si isku mida ugu hambalyeeyeen Maamulka sare ee Al Minhaaj Mudug wax qabadkooda balaraan oo ay sameeyeen mudadii ay Xafiiska joogeen,waxayna ubalan qaadeen maamulka inay la garab tagaanyihiin Talo Iyo Tusaaleyn wax walba oo looga baahdana ay diyaar la yihiin.
Si kastaba ha ahaatee Wafdigan uu Hogaaminayay Gudoomihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Sheekh Cawil Axmed Muumin ayaa la filayaa maalinta berri ah inay u amba baxaan Magaalada Hargeysa oo ay kasoo kicitimeen markoodii hore.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug