Galdogob:- Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore oo maalmihii udambeeyay kuimaada sugnaa Degmada Galdogob ayaa saaka booqdey Deegaanka Qansaxle.
Booqashada gudoomiyaha uu ku tagay Deegaanka Qansaxle ayaa ujeedkeedu waxa uu ahaa ukuur gelidda xaaladaha ka jira Deegaankaasi iyadoo dad ku sugan deegankaasina ay gudoomiyaha ka codsadeen inay soo booqdaan.
Gudoomiyaha ayaa markii uu gaareyy Deegaankaasi Qansaxle waxa si aad ah usoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan deegaankaasi waxa uuna kulama la qaatay odoyaasha iyo dhalinyarada.
Dadkii uu la kulmay ayaa gudoomiyaha waxay uga warbixiyeen xaaladaha ka jira Qansaxle gaar ahaan baahiyaha Dacwada, waxayna maamulka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ka codsadeen inay ka caawiyaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ay sheegteen.
Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa aad uga mahad celiyay waxgaradka iyo dhallinyarada Deegaanka Qansaxle ee Degmada Galdogob sida balaaran oo ay usoo dhaweeyeen,wuxuuna sidoo kale sheegay Gudoomiyaha inay dhawaan ka jawaabi doonaan codsigooda haduu alle idmo.
Maxamed Xasan waloore ayaa ku amaanay dadka reer Qansaxle hawlaha balaaran ee dacwada ay ka wadaan deegaankaasi isagoona sheegay inuu soo booqday qeybaha deegaanku ka koobanyahay gaar ahaan goobaha loogu tala galay Dacwada.
Si kastaba ha ahaatee booqashada Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa waxay qeyb ka ahayd kulumo iyo booqashooyin uu Gudoomiyihu ku marayay Deegaano badan oo ka tirsan Gobalkan Mudug.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug