+252 90 7798232 [email protected]

 

Galdogob: Maamulka sare Ee Mu’assasada Al Minhaaj Galdogob ayaa Magaalada Galdogob kusoo bandhigay warbino ku aadan Kormeerkii Dacwadeed ee dhawaan ku tageen deegaano badan oo kamida Gobalka Mudug.

Gudoomiye Farxaan Axmed C/laahi oo warbixinta kusoo bandhigay Xaflad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan Degmada Galdogob ayaa aad uga mahadceliyay Ducaadii kala qeybgalay Kormeedka waxaana warbixintoodii ay ku bilaabeen sidan.

Yool-ka
kormeerka waxa looga gol-lahaa In loo kuur-galo xalaadaha deegaannada, baahiyaha dacwo ee ka jira, iyo fursadaha bannaan ee mudan in laga faa’iideeyo.

Deegaannada la maray
1.Isqanbuus
2.Qansaxle
3.Daaru-salaam
4.Riig-oommane
5.Bur-saalax
6.Bacad-weyn
7.Roox
8.Daaru-salaam (Laamiga)
9.Cagaaran
10.Gaalkacyo.

Ducaadda Baxday
1.Gudd. Farxaan Ahmed
2.Sh.C/wali nuux
3.Sh.Nuur daahir
4.C/Nuur Cuthmaan
5.Sharmarke C. Cawad

Fursadaha
1.Bulsho abaabulan.
2.Gobonimo iyo soo dhawayn-ba leh.
3.Jecel dacwada iyo ducaadda.
4.Baraarugsan.
5.U diyaarsan ilaalinta deegaanka.

Waxyaabaha Qabsoomay
1.Kulamo qeybaha kala duwan ee bulshada.
2.Kalmado masaajidda.
3.Kormeer Xarumaha muhimka ah ee deegaannada.
4.La samaynta xiriirro iyo barsahada hormuudka iyo indheer-garadka deegaannada.
5.Kulamo u gaar ah Ducaadda iyo Maamullada dacwada ee deegaannada.

si kastaba ha ahaatee kormeerkii Dacwadeed ay samayeen Ducaadda Iyo Maamulka Sare ee Al Minhaaj Galdogob ayaa waxa uu qaatey mudo seddex cesho ah waxaana uu kusoo dhamaadey si guula.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug