+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:-Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa Galabta raashin uqeybisay 160-ka qof oo  kamida Caruurta Agoomaha ee ku nool Magaalada Galkacyo.

Raashinkan Galabta ay Mu’assasada Al Minhaaj Mudug uqeybisay Caruurtan Tiradoodu ay gaareyso 160-ka qof ayaa waxaa usoo wakiishay Dalada Agoomaha Puntland waxayna ugu talagaleen in looga farxiyo Caruurta yar yare ee agoomaha ah.

Wafdi ka socday Dalada Agoomaha Puntland oo galabta soo gaarey goobta lagu qeybinayay Raashinka ayaa waxay ka mahad celiyeen sida wacan ee dadaalka leh ee ay Mu’assasada Al Minhaaj Mudug u maamushay Raashinkii loo soo igmaday.

Sheikh Bilaal Caad oo gudoominayay Wafdigii ka socday Dalada Agoomaha Puntland ayaa waxa uu ka hadlay ahmiyada iyo ujeedka ay ugu talagaleen Raashinkan isagoona sheegay in Raashinkani ay ugu talagaleen 160 qof oo ka mida Agoomaha ku nool Magaalada Galkacyo.

Sidoo kale waxaa isana Goobta ka hadlay Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ waxa uuna gudoomiyihu uu ka warbixiyay qaabkii ay usoo diyaariyeen Caruurta Agoomaha isagoona sheegay in Caruurtan ay ka soo qoreen Gudaha Iyo Daafaha Magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore oo isaguna goobta ka hadalay ayaa uga mahadceliyay Dalada Agoomaha Puntland raashinka ay usoo wakiisheen waxa uuna sheegay inay si cadaalad leh usoo maamulay Xafiiska Mashaariicda.

Si kastaba ha ahaatee Qeybinta Raashinkii loogu talagalay Caruurta Agoomha ayaa waxay kusoo dhamaatey jawi wanaagsan iyadoona caruurtii raashinka la siiyay wajiyadooda laga dareemayay farxad iyo rey reyn.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug