+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:-Masjidka Ramadan ee Magaalada Galkacyo ayaa waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyay Nadwo soconeysay Mudo Afar Habeen ah taasoo ay ka qeybgaleen culumo badan oo ka mida kuwa ugu caasan Gobalka Mudug.

Nadwadan oo ay soo qaban qaabisay Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa waxay ka dhacday Masaajidda kala ah

  • Masjidka Ramadan
  • Masjidka Abii Hureyra

Intii ay socotay Nadwada ayaa waxaa ka faa’ideystay Dadweyne aad ufara badan kuwaasi su’aalo weydiinayay culumadii Nadwada ka qeyb galeysay waxaana ka mid ahaa mawaadiicda culumadu ay soo jeediyeen:-

  1. Soo dhawaynta Bisha Ramadaan iyo Dheeraadka ay leedahay
  2. Axkaamta Bishada Ramadaan.
  3. Cibaadooyinka in lagu dadaalo iyo Dheeraadka Toban danbe.
  4. Su’aalo iyo Jawaabo

Culumada ka Qeybgashay Nadwada

  • C/risaaq Warsame Maxamuud
  • Maxamed Jawhari
  • Dr Aadan Maxamed Cigaal
  • Badel Sugulle
  • C/casiis Garweyne

Si kastaba ha ahaatee sanad walba marka la gaaro Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadan ayaa waxaa Mu’assasada Al Minhaaj Mudug soo qaban qaabisaa Kulan Cilmiyeed lagu soo dhaweynayo Bisha Ramadan.

 

X.Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug