Bacaadweyn:- Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘Faratooyo’’ ayaa xaaflad qalin badelasho ah kala qeyb galay Arday ka Aflaxday Machadka Barashada Shareecada Islaamka Ee Faaruuq Faraciisa Bacaadweyn.
Gudoomiye Faratooyo oo Khudbad isugu jirtay Dhiiragelin Iyo Talooyin waxa uu ka soo jeediyay Madashii Xafladdu ka dhacaysay isagoona ugu horeyn ugu habeylyeyay Ardayda Guusha wax ku oolka ah ee ka gaareen inay ka mira dhaliyaan dhameystirka Heerkooda Asaasiga ah ee wax barashada waxa uuna kula dardaarmay inay sidii wadaan dadaalka iyo Juhdigoodii ay mudo soo wadeen.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahad celisay dhammaan maamulka iyo Macalimiinta Machadka Faaruuq juhdiga iyo Dadaalka ay ku bixiyeen soo saarsta Aqoonyahaniintan isugu jira Ragg Iyo Dumarba wuxuuna Eebbe uga Baryay inuu ku Guuleeyo waxqabadkooda.
Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘Faratooyo’’ ayaa ardayda sidoo kale kula dardaarmay in Aqoontii ay soo barteen inay ugudbiyaan Bulshada kale si buu yiri ay Bulshadu unoqoto kuwa ka faa’ideysta Aqoonta ay ardaydu soo barteen.
Si kastaba ha ahaatee Machadka Faaruuq Ee Barashada Shareecada Islaamka waxa uu ka mid yahay Macaahida sida aadka ah ardaydu wax uga bartaan waxa uuna sanad waliba soo saaraa oo ka Aflaxda Ardayda aad ufara badan oo isugu jirta Ragg Iyo Dumar.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug