+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:- Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa Magaalada Galkacyo ka bilowdey Barnaamij loogu Magacdarey Afuri Walaalkaaga Sooman kaasoo lagu caawinayo walaalaha sooman ee aanan awoodin inay Afurka iska bixiyaan.

Barnaamijka Afuri Walaalkaaga Sooman oo galey Maalintisii Shanaad ayaa waxaa ka faa’ideystay dad gaaraya ilaa 100qof kuwaasi galab waliba lagu Afuriyo Masjidka Ramadan Iyo Masjidka Abii Hureyra ee Magaalada Galkacyo.

Gudoonka sare ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa dhawaan shaaca ka qaadey in Barnaaminkan ujeedkiisu uu yahay inay ka caawiyaan dadka sooman ee aanan heli Karin amaba Awoodin inay afurka helaan waxayna sheegeen in Barnaamijkan uu socon doono inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.

Sidoo kale Maamulka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa uga Mahadceliyay dadweynaha ku dhaqan Gobalka Mudug gaar ahaan Magaalada Galkacyo sida wanaagsan ee ay Barnaamijkan uga qeyb qaateen iyagoona sheegay in la’aantood uusan barnaamijkan hirgeli lahayn.

‘’Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Galkacyo ayaa iyagu fududeeyay qabsoomida Barnaamijkan waxayna maalkooda iyo xoogooda ay ku bixiyeen sidii loo caawin lahaa walaalaha sooman ee aan awoodin inay afurka helaan’’sidaasi waxaa warbaahinta la wadaagay Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi Fratooyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Dr Aadan Maxamed Cigaal ayaa sheegay in Barnaamijkan uu ufuranyahay qof walba oo doonaya inuu ka qeyb qaato caawinta Walaalaha sooman ayna soo dhaweynayaan.

Hadaba walaal Haddii aad jeceshahay inaad ka qeyb qaadato Barnaamijkan Afuri Walaalkaaga Sooman waxaad kusoo diri kartaa wixii aad Awoodo:-

Acc Golis:-484100 waxaa kusoo diri kara dadweynaha ku sugan Galkacyo

Number Sahal:-0906601001 waxaa kusoo diri kara dadweynaha Galkacyo aanan joogin.

Evc Plus Hormuud:-0615441340

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Al Minhaaj Mudug