+252 90 7798232 [email protected]

 

Galdogob:- Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Faraceeda Degmada Galdogob ayaa maanta Tartan Qur’aanka Kariimka ah uqabatay qaar ka mida Dugsiyada Ku yaala Magaalada Galdogob.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa ka qeybgeli doona Arday gaareysa ilaa iyo 22 arday kuwaasi oo ku Tartami doona 20Juz,15Juz,10Juz Iyo 5Juz.

Ugu horeyn waxaa Tartanka inta uusan bilaaban kalamado isugu jira dhiiragelin iyo mahadcelin ka soo jeediyay qaar ka mida waxgaradka iyo  culumada Magaalada Galdogob oo ku sugnaa Masjidka Jaamica oo tartanka lagu qabanayay.

Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Galdogob Sheekh Farxaan Axmed C/laahi ayaa sheegay in Tartankan ujeedkiisu uu yahay in ardayda lagu dhiirageliyo inay bartaan Kitaab alle S.W. wuxuuna gudoomiyihu intaasi raaciyay in Ardaydii gasha Kaalmaha hore ay Mu’assasadu gudoon siin doonto Abaal marino lagu dhiiragelinayo ardaydaasi.

Sidoo kale Sheekh Axmed Dheeli oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Mu’assasada Al Minhaaj Galdogob oo madasha ka hadlay ayaa maamulka mu’assasada ugu mahad celiyay abaabulka iyo qaban qaabada Tartankan waxa uuna ugu baaqey dhammaan dadweynaha in ardaydan la dhiiragelayo dadweynuhuna ay bartaan Qur’aanka Kariimka.

Si kastaba ha ahaatee Maalinta beri ah ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Tartankani  iyadoo ardayda kaalmaha hore gashana la siin doono Abaal marino kala duwan waxayna ardaydaasi ay usoo gudbi doonaan Tartanka Guud ee Gobalka Mudug ay dhawaan ka bilaabi doonto Mu’assasada Al Minhaaj Mudug.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka ee Al Minhaaj Mudug