Galkacyo:- Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa Maanta Magaalada iGalkacyo ka bilowday Tartankii Qur’aanka Kariimka ahaa ee sanad walba Bisha Barakeysan Ee Ramadan La qaban jirey.
Tartankan oo ahaa kii shanaad oo xariir ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Ardayda gaareysaa ilaa 60arday kuwaasi oo ka kala socda 16dugsi oo ku yaala Gobalka Mudug waxayna ku Tartamayaan
1) 30Juz 2) 20Juz
3) 10Juz 4) 5Juz
Tartanka oo lagu qabanayo Sanadkan Masjidka Abii Horeyra Ee Magaalada Galkacyo ayaa waxaa ugu Horeyn Furey Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’wuxuuna Gudoomiyaha uga mahad celiyay macalimiinta iyo waalidiinta ubadkan soo barbaariyay kuwaasi oo maanta udiyaarsan inay ku Tartamaan Kitaab Alle S.W.
Sidoo kale Gudoomiye Faratooyo waxa uu mahad celin iyo Bogaadin usoo jeediyay shirkadda Xooga Korantada ee NEPCO Taasoo maalgelisa Tartankan sanad loo qabto ardayda Xufaada ah ee ku nool Gobalka Mudug.
Sidoo kale Dr Aadan Maxamed Cigaal oo ah Gudoomiyaha Golaha Shuurada Mu’assasada Al Minhaaj Mudug oo Madasha ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ardayd aad u yar yar lagu tartansiiyo Qur’aanka Kariimka waxa uuna mahad iyo Bogaadin uu isaguna usoo jeediyay Maamulka Iyo Hawlwadeenada Shirkadda Xooga Korantada Ee NEPCO.
Sidoo kale Dr Aadan waxa kula dardaarmay dhammaan dadweynihii ku sugnaa Masjidka inay ka qeyb qaataan dhiiragelinta iyo Barashada Qur’aanka kariimka si loo helo arday badan oo xufaada kuwaasi oo xanbaara kitaabka Alle S.W.
Sanadkan waxaa Tartanka ka qeybgalay Magaalooyinka Galkacyo-Galdogob-Xarfo-Jariiban Iyo Cagaaran waxaana la soo gaba gabeyn doonaa maalinka Jimcaha insha allaah xiligaasi oo abaalmarino la sii doono ardaydii gasha Kaalmaha hore.
Xafiiska warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Al Minhaaj Mudug