Gaalkacyo:- Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa Magaalada Gaalkacyo kusoo gaba gabeysay Tartankii Sanadlaha ahaa ee Qur’aanka Kariimka kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka socday Masjidka Abii Horeyra.
Tartankani oo ahaa kii shanaad oo xariira ayaa waxaa Xafladii lagu soo gaba gabeynayay ay ka dhacday Masjidka Ramadan Ee Magaalada Galkacyo waxaana ka soo qeyb galay Culumaa udiin , gudoonka waxbarashada gobolka, madax dhaqameedka, ganacsatada, macalimiinta, ardayda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.
Ugu horeyn waxaa Xafladda hadalo qiima badan kasoo jeediyay Sheekh Maxamed Macalim Axmed Iyo Sheekh C/risaaq Warsame waxayna culumadu ay uga mahad celiyeen Gudoonka sare ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug hawsha wanaagsan ay soo wadeen maalmihii lasoo dhaafay waxayna sidoo kale culumadu ay dhiiragelin iyo duco usoo jeediyeen shirkadda Maalgelinaysay Tartanka ee NEPCO iyagoona ugu baaqay shirkadaha kale ee Gobalka ka jira inay iyaguna ku dayadaan Dhiiragelintaasi.
sidoo kale waxaa xafladda khudbad kasoo jeediyay Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi ‘’faratooyo’’ wuxuuna gudoomiyuhu uu ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu tartanka soo maray tan iyo markii lasoo bilaabay oo ahayd shan sano ka hor, sidoo kale Gudoomiye Frataooyo waxa uu mahad iyo Bogaadin usoo jeediyay Shirkadda Xooga Korantada Ee NEPCO oo intii uu socday Tartankani iyadu Maalgelineysay.
Gudoomiyaha Gudiga Boorka Shirkadda NEPCO oo Khudbad dheer soo jeediyay ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inay iyagu maalgeliyaan tartan lagu weyneynayo Kalaamka Alle S.W.
Ugu dambeyn waxaa goobta xafladdu ka dhacaysay oo ahayd Masjidka Ramadaan ee Magaalada Galkacyo Abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay Ardaydii kaalmaha hore ka gashay Tartanka iyadoo Ardayda kaalmaha hore galayna ay kala ahaayeen sidan:-
- 30Juz Xasan C/waaxid Jaamac 92.8%
- 20Juz C/wahaab C/xakiin Cali 99.5%
- 10Juz Xafsa Maxamed C/laahi 99.3%
- 5Juz C/casiis C/laahi Cali 98.9%
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug