Gaalkacyo:-Xaflad si wayn loosoo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen Madaxda Xafiiska Dumarka ee Mu’asasada Alminhaaj Mudug, Macalimaatkii Dawrada bixinayay, Ardaydii ka faaidaysatay Dawrada iyo Dad wayne kale ayaa waxaa lagusoo gaba gabeeyay Dawradii 4aad ee gaar u ah Dumarka oo Xafiiska Dumarku uu qabto.
Dawradaan ayaa waxaa loogu tala galay inay ay gabadhuhu uga faaidaystaan wakhtiga ay jaaniska hayaan ee Waxbarashadu xiran tahay waxaana ka faaidaystay Ardayda dhigata Dugsiyada Dhexe, Sare, Macaahidda iyo Jaamacadaha.
Dawradaan ayaa waxaa ay bilaabatay 3/Ramadaan/1439 kuna beegnayd 19/05/2018 waxaana lagu qaatay maadooyinka kala ah:
1- Caqiiqo waxaana akhrisay Xaawo Muumin.
2- Siiro waxaana akhrisay Khadiijo Axmed.
3- Axkaamu Soom waxaana akhrisay Sumayo C/shakuur.
Xaflada ayaa waxaa kalmado dhiirgalin ah kasoo jeedisay Gudoomisada Xafiiska Arimaha Dumarka ee Mu’asasada Faadumo Axmed Maxamed, waxaa kale oo halkaas ka hadlay Macalimaatkii Dawrada bixinayay.
Gaba gabadii Ardayda ayaa waxaa la gudoonsiiyaya Shahaadooyin waxayna kusoo gaba gabowday Xafladu jawi aad u dagan.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug