+252 90 7798232 [email protected]

Saxaafadda kooxda shabaab ee laga soo qoro ingiriiska iyo mareykanka ( somalimemo waxaa laga qoraa lester UK somalimidnimana waxaa laga qoraa minisota USA) waxay xoogga saartay inay culimada soomaaliyeed ee manhajkii salafka xanbaarsan sumcadda ka disho, waxayna wakhti badan ku lumisay inay been ka buurto si ay bulshada u nacsiiso, waxaase ilaahay mahaddiis ah in shirqoolkoodii fashilmay beentoodiina raad yeelan weyday.

Qof kasta oo ka qayb galay soo dhoweyntii sheekh umal ama warbaahinta kala socday sidii yaabka laheyd ee meel walba loogu soo dhoweeyay wuxuusi dhab ah u arkay in mnhajkii shabaab la dirirayeen iyo culimadiisiiba ay badhaadhe ka qaadeen dagaalkoodii, sidoo kale waxaa qof walba u caddaatay in warbaahinta shabaab dadka ay la hadkeysay ama wax ka qaadanayay ay ahaayeen dad tiro yar oo aafeysan.

Culimada ay shabaab doonayeen inay sumcadda ka dilaan waa culimo umaddu ku kalsoontahay iyagase cidiba kuma kalsooneyn waxayse ku kadsoomeen warbaahinta reergalbeedka ee hadalkooda sii buunbuunineysay ama u sawireysay inay yihiin dad taageero badan haysta .

Wax la daba galo been baa u gaabisa soomaaliduna waxay horay u tidhi beeni raad ma le , kuwii doonayay inay umadda been ku afduubaan iyaga oo aan cidiba garaneynin waxay ila tahay in maanta dani u run sheegtay oo indhohooda ku arkeen inaan cidi hadalkooda waxba ku dhiseynin culimadana aan been abuurkooda lagu naceynin ee lagu sii jeclaanayo.

Ilaahay culimadii ay gacan ku dhiiglayaasha shabaab dileen ha u naxariisto kuwa noolna ilaahay sharkooda ha ka qabto… aamiin

Beeni raad ma leh , W/Qoray /Sh.Xasan Ibraahim