+252 90 7798232 [email protected]

11

Hargeysa:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa saaka dib ugu laabatay magaalada Hargeysa ka dib markii uu isla saaka diyaarada ka soo raacay garoonka diyaaradaha Bander Qaasim ee magaalada Boosaaso  xarunta Gobolka Bari isagoo ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa abaarihii 10:35 daqiiqo. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey culimo iyo madax ka tirsan S/land waxaana uu isla manta uu Khudbadii Jimce uu ka akhriyey Masjidka Towfiiq ee magaalada Hargeysa.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa safar dacwadeed oo qaatay mudo saddex bilaad ah oo uu ku soo maray deegaano badan oo ay soomaalidu degto waxaa la filaayaa in maalinta beri ah uu dib ugu laabto magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Mu’ssadda Al-karam
Hargyesa, Somalia