+252 90 7798232 [email protected]

Galkacyo: waxaa habeen nimadii xalay ahayd taariikhduna kubeegnayd 22/06/2014 Kabilowday masjidka weyn ee ramaad magaalada gaalkacyo nadwo cilmiyeed kii 6Aad oo  lagu qabto  magaalada gaalkacyo ee  caasimada gobolka mudug , 2

Nadwadaa oo intay socoto  lafilayo in  lagusoo qaado mawaadiic muhiim ah oo ay kamid yihiin

  • فضل العلم وآداب المعلم والمتعلم
  • المعاصي وأثرها السيء في المجتمع
  • إصلاح القلوب أهميته وعلاجه
  • أحكام الصيام
  • التوبة والرّجوع إلى الله مع الختام.

Xalay o ahayd habeen ki 1Aad waxaa galay Shiikh C/casiis shiikh Cali waxaana  uu soo jeediyay, mowduucii ugu horeeyay ee nadwada, oo ah Fadliga cilmiga iyo  aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga.

Ugu horayn waxaa sheekhu aad ugahadlay fadliga uu cilmigu leeyahay isagoo soo qaatay adilo badan oo  cadaynaysa fadliga cilmiga iyo barashadiisa  intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay aadaabta looga baahan yahay  macalinka iyo ardayga. Nadwadaan oo sida lagu wado waxay socon doontaa  mudo shan maal mood ah

3  20140621_193728