Waxaa Maantay si Rasmi Ah Loo Soo Afmeeray Dowradii Kasocotay Casimada Puntland Ee Garowe .
Dowradaan oo ka socotay Hoolka Dugsiga sare Alwaxa Mudo 9 Maalmood Dawradaani Ayaa Maantay Waxay Eheed Gabagabadii waxaa Loo Qabtay Xaflad Si Heer sare Loo Soo Agaasimay Ayaa Waxaa Kaso Qayb Galeen Mamulka Gobolka iyo Culima awdiin Aqoon Yahano iyo odayaal iyo Masuuliyiin kaloo Badan .
Waxaa ugu Horaynba Goobta Kahadlay Gudoomiyaha Fulinta Mu,asasada alminhaaj Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax Waxaa Gudoo miyuhu ugu horayn tiiba War Bixiin Dheer kaga Waramay Dowrada iyo Duruurstii Laga Faaiideysat iyo Waqtigii Ay Socotay iyo Cilmiga Lagu Qaatay Waxaana Sheekha uu sheegay Duruustii Halkaa Ku Qaadanayeen Ardeyda Kasoo Qaybgashay Waxaa Ay Kala Ahaayeen .
(1) Caqiida
(2) Wadaniyada
(3) Cilmiga Dhaxalka
(4) Maamulka
(5) Guurka iyo faa iidada uu leeyahay
(6) Suugaanta soomalida
Duruus taan oo dhamaan ay bixinayeen dad cilmi buuxa uleh duruustay ardayda Ka QaadanaayayWaxaa sidoo kale gudoomiyuhu kudaray in hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo heli lahaa arday dhinac walba kadhisan waxaana ugu danbayn tii uu ardayda ka codsaday in ay qaadaan mas’uuliyadda ay hadda hayaan mid kabalaaran ,Waxaa isna dhan kiisa ka hadlay sheekh cabdirizaaq dahabi oo ardayda ku booriyay in ay bartaan diin tooda xaniifkaaWaxaa sidookale xafladda ka hadlay sheekh maxamuud xaaji yuusuf gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka nugal oo si Qoto dheer ugahadlay ahmiyadda cilmiga kiisa shareecada iyo maadigaba ay uleeyihiin ummadda gaar ahan da’yarta wuxuuna tilamaamay shiikhu in manta fitanka kajiraa caalamka looga badbaadayo cilmi naafic ah wuxuuna shiikhu udar daarmay shiikhu dhamaan dadkii kafaa iidaystay dowraddan in ay wixii ay kabarteen gaar siiyaan dadka iyagu ka maqnaa goobta lagu qabtay dowraddan cilmi kororsigaa
Sidookale waxaa soo xiray dowradan guddomiyaha gobalka nugaal c/qani xaashi(bunbe)oo isaguna udar daarmay dhalintu in ay wixii ay kabarteen dowradan ay kamira dhaliyaan oo ay bulashad uga faa iideeyaan iayguna ay ku dhaqmaan si ay uga bad baadan dhibaatoyinka manta ku wajahan dhalinyarada soomaaliyeed sida tahriibta burcad badeedda jirrinimada wuxuuna yiri guddomiyuhu isaga oo siiwata hadalkiisii waxan anaguna kamaamul ahan diyaar lanahay oo lagarab taaganahay dhallinta waxkasta oo faa iido ule mustaqbalkooda aduun iyo aakhiraba wuxuna kusoo gaba gabeeyay hadlkiisii mahad celin uu umahad celiyay culimadii dowradan qabatay iyo sidokale ciddii soo qaban qaabisay dhamaantood waxaxayna kusoo gaba gabowday dowradii xagaga ee lagu qabtay hoolka dugsiga sare ee alwaaxa magaalad garowe jawi aad umacaan farxad iyo aqon kororsi .
Hoos Ka Daawo sawirada Dawra Lagu Soo Gaba Gabeeyay Putland caasimadeyda Magalada Garowe
alminhaaj.com
Garowe