+252 90 7798232 [email protected]

IMG_5918

Boosaaso −  Xaflad heersare ah oo maanta ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda , magaalada Boosaaso ayaa waxaa abaalmarinno lagu gudoonsiiyay ardeydii kusoo baxday tartankan qur’aan aqriska ahaa ee loo qabtay ardeyda wax ka barato dugsiyada kala duwan ee magaalada Boosaaso.

Tartan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah  tartan Qur’aan aqris ah  oo sanad waliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto magaalada boosaaso.

Goobta xaflada ayaa waxa kasoo qayb galay dadwayne aad u fara badan , waxaana ugu horayn lagu furfuray aayado quraan ah.

intaa kadib waxa madasha ka hadlay Sh Maxamed Macalim Axmed waxa uuna aad ugu dheeraaday  Fadliga uu leeyahay Quraanka in intii la barto lagu camal falo, waxaana uu sheegey in dadka Quraanka barta ay iyaku ahaadaan kuwo kheyrka iyo Masaajidada ugu horeeya oo barta macnaha Quraanka.

sidoo kale waxa madasha ka hadlay Ustaad  Maxamed C/laahi Cabdi oo ku hadlay magaca gudigii saxayay tartanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax usaxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka in ay aad usaraysay darajooyinka ay heleen.

waxa sidoo kale munaasabada ka hadlay Sh Cusmaan Maxamuud Xaaji Dirir, oo ah gudoomiyaha guud ee tartanka quraanka heer puntland, ahna xubin ka mid ah mu,asasada Al-Minhaaj, wuxuuna ka hadlay habka uu sanadkan noqon doono tartanka quraanka heer puntland, wuxuu sidoo kale ka hadlay dowrka ay mu,asasada Al-Minhaaj ay ku leedahay tartanka quraanka ee bisha ramadaan ka dhaca dhamaan deegaanada puntland iyo kanguud oo dhamaan deegaanadu isugu yimaadaan, wuxuuna sheegay in dhamaantood diyaarin tiisa iyo isku dubaridkiisa ay leedahay  mu,asasada Al-Minhaaj.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasiwaxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa  30-ka Jus ee qur’aanka, 20 Jus iyo 10 Jus , iyagoona abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.

ardayda ku guulaysatayna sadexda heerna waxay kala ahaayeen:

30-ka ayaa waxa Kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1. Xamse iimaan yuusuf , oo ku guulaystay kaalinta koowaad, kana socday madrasada Daaru Al-biri

2. Daa,uud Abshir Maxamed, oo ku guulaystay kaalinta 2aad, kana socday Daaru Al-Qur,aan.

3-Jaamac Xassan Axmed, oo ku guulaystay kaalinta 3aad, kana socday Madrasada Cusmaan binu cafaan.

20-ka Jus ayaa waxa Kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1-Ibraahim Deeq Barkhadle, oo ku guulaystay kaalinta 1aad, kana socday Madrasada Daru Al-quraan.

2-C/laahi C/risaaq Maxamed, oo ku guulaystay kaalinta 2aad, kana socday Madrasada Ibnu Baaz.

3- C/laahi Cumar Barkhadle, oo ku guulaystay kaalinta 3aad, kana socday madrasada Daaru Al-biri.

10-ka Jus ayaa waxa Kaalimaha hore ka galay Ardayda kala ah:-

1-C/laahi Maxmed C/laahi, oo ku guulaystay kaalinta koowaad, kana socday madrasada Daaru Al-biri.

2-Mubaarak C/laahi Maxmed, oo ku guulaystay kaalinta 2aad, kana socday Madrasada Al-Towfiiq.

3-Siciid C/rasaaq Axmed, oo ku guulaystay kaalinta 3aad, kana socday Madrasada Ibnu Baaz.

intaa ka dib waxa iyaguna abaal marino la gudoonsiiyada qaar ka mid ah barayaashii ardayda kaalmaha horay gashay.

 

IMG_5840 IMG_5844 IMG_5859 IMG_5871 IMG_5879 (1) IMG_5885 IMG_5894 IMG_5896 IMG_5911 IMG_5918 IMG_5939 IMG_5950

 

Muasasatu Alminhaaj

www.alminhaaj.com Bosaaso