Waxaan safar kutagay degmada buurtinle ee gobolka nugaal waxaana kamid ahaa wax yaabihii indhahayga soo jiitay dhisme cusub oo mardhow lagusamaynayo masjidka abuubar halkaas oo tabeelihii dhismaha cusub ishaydu qabatay waxaana kasoo qaday sawiradaan Waxaa dib udhis balaaran lagu samanayaa masjidka weyn ee Abuu bakar Zadiiq Ee degmada buurtinle . masjidkaan oo leh taariikh dheer taariikh daan oo leh mid farxad xan baarsan iyo mid murugo leh . masjidka abuubakar zadiiq waa masjidka ugu magacadheer buurtinle cid walba oo loo sheego taariikh diisa gaar ahaan dhacdadii naxdinta badnay ee kadhacday masjidka sanad kii 1999 kii kadib markii dhagar qabe jamaacadii masjidka oo markaas kujiray salaada Cishaha halkaas oo uu bambo gacmeed kuuuray masjidka waxaana markaas kudhintay 4 qof waxaana ku dhaawacmay 23qof dhawacaas oo iskugu jiray kuwo kuluga beelay ama ku gacmo beelay halka kuwakalena ay ku indhabeeleen
waxna qarxaasi ahaa kii uhoreeyay ee kadhaca masjid dhulka somali islamarkana aad looga xumaado waxaana filayaa cidwalba oo waagas aqli lahayd in ay aad uxasuustaan cidii aan ogayna waxay utahay taariikh naxdin badan oo ay ogaadeen in ay dhacday . hadaba masjidkaan oo ladhisay sanadkii 1995 waxaa ilaah mahadiis ah uu ahaa hadana yahay masjidka ugu jamaacada badan degmada buurtinle islamarkaana dad aad ubadan ay kabarteen kutub iyo cilmi qiimo badan waxaana dhib loo duminayaa soonqaadka markii uu dhamaado sida aan kahelna gudiga masjidka isgoo lagadhigayo labadhabaq waxaana xusid mudan in masjidka dhaqaalihiisu %195 uu haatan diyar yahay waxana ugu danbayntii aan urjaynay naa gudiga iyo dadka muxsiniintaa ee uqumay camalkaan qiimiga badan in ilaah xifdiyo labada daarood maalkooda iyo maskaxdooda u barakeeyo
Nuur jaamac Aadam
Mu,asasada Al-minhaaj garowe
war fiican iyo taariikh lama ilaa waan ah