+252 90 7798232 [email protected]

Maalintan oo kale -8da maarso – waxaan maqalnaa qaylo badan oo ka soo yeedheysa dad sheeganaya inay u doodaan xuquuqda dumarka, waxaana la sheegaa in maalintani tahay maalinta haweenka adduunka, walina maynaan maqal maalinta ragga, qolo xuuqda ragga u doodeysana lama arag tolow haddii xaajadu xuquuq raadin tahay maxaa rag iyo dumarba looga hadli waayay mise timir lafbaa ku jirta.

Shaki la, aan timir lagbaa ku jirta qayladan iyo sawaxankanna shar badan ayaa sida boodhkii lagu qarinayaa, ujeeddada dhabta ahina waa in gabdhaha muslimiinta loo dayoco sida kuwa gaaladu u dayacanyihiin, waxaana la doonayaa in gabadha u sahlanaato qof walba oo xumaan la doonaya, waxaana loo socdaa in laga saaro gabbaadyada ay sharka kaga jirto.

Qofka caqliga leh ee akhriya mashaqada dumarka reer galbeed haysata ilaa ay maanta gaadheen in raggii intiisii badneyd iskaba daysay inay haween guursadaan iyaga oo ka cararaya masuuliyadda iyo culeyska fuulaya, mar haddiiba ay middii ay rabaan suuqa ka heli karaanna umaba ayna baahnin guur iyo wax la mid ah.

Gabadhu inta ay yartahay marba midbaa suuqa sidii neef xoolo ah ka eryoonaya markii midabkeedu is baddalo ama da, du saameysana kaam la odhan maayo, maalintaas ayeyna ogaaneysaa in la hoday oo mustaqbalkeedii lagu ciyaaray, waxaana dhici karta inay hor alle ugu sii biirto kuwa yidhaahda waxaan u doodeynaa xuquuqda dumarka! xaalkeeduna waa ninkii cagagubyada ka cararay ee dabka galay.

Rag iyo haweenba xuquuqdooda waxaa ebyay sharciga ilaahay isaga ayaana aadanaha oo dhan ku filan qofkii xaq doon ahna waxaa la gudboon inaanu sawaxanka aan macnaha laheyn ku daba lumine uu u soo jeesto sidii sharciga ilaahay loogu wada dhaqmi lahaa.