Waxaa maantay kadhacday Machadka al furqaan ee degmadda Xarfo xaflad siwanaagsan loo soo agaasimay xafladaan oo lagu sharfayay kitaabka allah waxaana xafladaani kadanbaysay kadib arkii arday badan oo kamid ah arday da machadka AlFurqaan Ay dhameeyeen Qur,aanka kariimkaa taas oo sabab tay in loo qabto xaflad lagu karaamaynayo tarajada ay gaareen oo ah tanba ni aadam gaaro tan ugu qiimi badan aduun iyo akhiro labadaba .
Waxaa ugu horayntiiba xafladda kahadlay mamulka Machadka Al-Furqaan Ee Degmaada Xarfo Sh.C/qadir Cumar oo kawarbixiyay machadka iyo kalainta wanaagsan ee uu bulshadda u hayo waxaana uu kutimaamay in ay tahay tani tilaabo kudayasho mudan waxaana waalidiinta iyo dhamaan dadweynaha kalaba ugu baaqay in ay ardadooda qiimaha ay mantay leeyihiin looga faa iideeyo si ay u badbaadaan aakhiro iyo aduunba ,
Waxaa isna sidoo kale goobta kahadlay Gudoomiyaha Degmadda Xarfo C/Fataax Kalagure waxana uu gu doomiyuhu amaanay machadka iyo dadaalka ay ku bixiyeen ardayda waxaana illah mahdiis ah in aan aragno wajiyadaan nuurku ka ifayo oo xanbaarsan kitaabka allah . ugu danbayntii waxaa machadka lagu doon siiyay Computaro Uu u hadiyeeyay Sheekha Caankaa Sh.C/qani Qorane Maxamed waxaanahalkaas Arday diiiyo macalimiintiiba lagu gudoon siiyay Abaal marimo kaladuwan halka ardayda qur,aanka dhamaysay lasiiyay shahaadooyin iyo jaaisooyin qaali ah .
Nuur Jaamac Aadan Xafiska Warfaafinta Mu,Asasada Al-Minhaaj Puntland