+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa saakay warsaxaafadeed laguqabtay jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal warsaxaadafeed kaan oo ay kasooqayb galeen dhamaan golayaasha jaamacadda bariga afrika sida golaha boorka .golaha fulinta . golaha shuurada.

waxaana shirkaan jaraaid lagaga hadlay arima badan oo khuseeya jaamacada iyo maamulka usub ee loosameeyay waxaana halkaas ugu horayntiiba kalimad wacdi iyo dardaaran  ah soo jeedshay sheekh daahir aw cabdi waxaana sheekhu kudheeraaday sidii soomaliya oo dal iyo dibad dhib kuhaysato laga shaqeeyo sidii loobadbaadin lahaa waxaana sheekhu allah uga baryay maamulkii hore iyo maamulka cusub  labadaba xaqa waafajiyo.

IMG_5147IMG_5126

waxaa isna goobta kahadlay sheekh yuusuf c/casiis gudomiyaha golaha boorka jaamacada bariga afrika waxaana gudoomiyuhu ku baaqay in lajoogteeyo kulamada noocaan oo kala ah si umada loogashaweeyo  horumarkeeda waxaana uu umahadceliyay dhamaan kasooqayb galayaasha shirkaan waxaana uu xusay in maantay uu gabogabo yahay kulamadii isdabajooga ahaa ee socday 8/8/2014 ilaa 11/08/2014 waxaana ilaah mahadiis ah in uusinabada kusoo dhamaaday waxaa iyana goobta kahadlay gudoomiyihii hore ee jaamacadda Dr Prf C/rizaaq Hiirad iyo kuxigeenkiisii Sheekh maxamed mucalim axmed waxaana ay amaaneen maamulkii iyo macalimiintii lasoo shaqeeyay waxaana ay cadeeyeen in jaamacadu hada marayso meel wanaagsan wixii dhiman na ay aaminsan yihiin maamulka cusub in ay karti uleeyihiin in ay gaarsiiyaan meeshaas iyo meel kasii wanaagsan.

ugudanbayntii waxaa isna goobta kahadlay sh.maxamed maxamuud ciise gudomiye kuxigeenka jaamacada islamarkaana ku hadlayay afkiisa iyo kan gudoomiyaha cusub Aadan Sheekh doon waxaana uu balan qaaday in ay wixii awodooda ah ay qaban doonaan isgoo codsaday wada shaqayn .

Hooska Akhriso Warsaxaafadeed ka Go,aamadii Shirka Asaasayaasha

Nuur Jaamac Aadam Xafiska Warbaahinta Mu,asasada Al-minhaaj

IMG_5159 IMG_5158  IMG_5136 IMG_5137 IMG_5142 IMG_5143 IMG_5141  IMG_5122 IMG_5131 IMG_5135 IMG_5124 IMG_5101 IMG_5109 IMG_5110 IMG_5118 IMG_5096 DSC01035 IMG_5107 IMG_5097 DSC01031