+252 90 7798232 [email protected]

 

Mu,asasada alminhaaj puntland ayaa maantay qabatay xaflad ay kusoo bandhigaysay waxqabadkeedii mudadii ay xilka haysay warbixintaan oo ayahayd mid dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa kasoo qaybgalay  mas uuliyiin kasocota dowladda puntland culima awdiin magacdheer kuleh  soomali .

 

Waxaa ugu horaynba hadalka lagu furay ayaat ka quraanka kariimkaa  illah kitaabkiisa waxaana kadib lagusoo dhaweeyay  gudoomiyaha  duqa magalda garowe c/casiis nuur cilmi koor waxaana uu kamahadceliyay  xafladaan qiimiga badan isgoo tilmaamay  in mu,asasada alminhaaj aan la in kiri Karin waxaana uu ku dhiiri galiyay  in a dadaalkoodii sii wadaan

 

Waxaa isna dhankiisa lagu soodhaweeyay gudoomiyaha gobolka nugaal cabdiqani xaashi cali gudomiyaha oo kudheeraaday sida loogu baahan yahay in mu,asasadu ay usii wadi lahayd adeega bulshada iyo kawacyi galinta waxyaabaha xunxun  ay tahay mid lagama maarmaan ah waxaana uu ilaah uga rajeeyay maamulkii xilka soo hayay iyo kan cusub ee lafilayo  in ladoorto maalmaha soosocda ba in illaah garabkooda kalo xaqiiqna waxaan ugamahdcelinaynaa sida wanaagsan ee minhaaj bulshada ujeclaysiisay wadajirka iyo midnimada  waxaana gudomiyuhu kusoodhaweeyay wasiirka wasaarada diinta cadalaadda iyo dhaqan celinta ee dowladda puntland mudane Ismaaciil Maxamed Warsame Waxaana wasiirku qiray wada shaqaynta kadhaxaysa mu,asasada alminhaaj iyo guud ahaan bulshada gaar ahaan wasaarada diinta iyo awqaafta  waxaana uu sheegay in waxbadan oo ahayd in aan anagu qabano kawasaarad ahaan ay minhaaj uqabatay bulshada waxaana uu uga mahadceliyay tilaabadii taariikhiga ahayd ee ay mu,asasadu in kabadan 26000 ooneef uguqaybisay dadkii duufaantu kudhufatay.

IMG_5183IMG_5182

ugudanbayn tii waxaa wasiirku ugudardaarmay bulshada reer puntland in ay lashaqeeyaan cidii wanaaga kashaqaynaysa oo ay ugu horayso mu,asasada Alminhaaj .

 

Waxaa dhinaca culimada u hadlay sheekh C/naasi X.Axmed  sheekha oo soo jeediyay wacdi iyo waana guud waxaa uu ku dardaarmay in wadajirka iyo midnimada la adgeeyo nimcada eebe inasiiyayana lagu xamdiyo .

 

Ugudanbayntii waxaa lagusoodhaweeyay sheekh maxamuud xaaji yuusuf oo kuhadalayay magaca aasaasayaasha mu.asasada alminhaaj waxaana sheekhu cadeeyay in minhaaj ay gaarto heerkaan waxaa sabab u ah ay yihii labadii sheekh ee ladilay Sheekh C/qadir Nuur faarax Iyo Dr Sh Axmed Xaaji  eebe ha unaxariistee hana looduceeyo ayuu yiri sheekhu  gabagabadii waxaa maamulkii minhaaj ay bilaabeen in ay soo bandhigaan wax qabadkoodii mudadii ay xilka hayeen iyo goo halkaas kusoo bandhigay shaqo wanaagsan oo taariikhi ah .

 

Nuur Jaamac Aadan Xafiiska Warfaafinta Mu,asasada Alminhaaj 

IMG_5167 IMG_5171 IMG_5174 IMG_5175 IMG_5178   IMG_5184 IMG_5188 IMG_5189 IMG_5191 IMG_5192 IMG_5199 IMG_5200 IMG_5202