Xafiiska Hay’adda cilmi baarista Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) Puntland wuxuu maanta Arbaco 20/08/2014 ku qabay hoolka shirarka Wazaaradda Amniga Puntland dood cilmiyeed ku saabsan war bixin hay’adda OCVP iyo Jaamacadda Bariga Africa ka sameeyeen xog uruurin laga sameeyay Magaalada garoowe oo ku saabsanayd heerka amni iyo helidda adeegyada caddaaladda Degmada.
Waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan wazaaradaha; Amniga, Qorshaynta, Caddaaladda,Haweenka, Shaqada iyo shaqaalaha iyo arrimaha gudaha, sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay Taliyayaasha ciidanka booliska, Maxkamadaha, xeer ilaalinta iyo dadweyne kale oo daneeya arrimaha caddaaladda iyo amniga Garoowe.
Madaxa Hay’adda OCVP ee Puntland, Ismacil Cabdullahi Cilmi ayaa soo dhaweeyay masuuliyiintii kasoo qeyb galay shirka isla markaasna faahfaahin ka bixiyay sababta loo qabtay kulankaan kaasoo uu ku macneeyay in hay’adaha dowladdu xaq u leeyihiin inay ogaadaan aragtidoodana ka dhiibtaan hormarna ka gaaraan arrimaha caddaaladd iyo amniga ee diraasadaani soo saartay. Mr. Ismaaciil wuxuu intaas ku daray in hay’adda OCVP mar walba u taagantahay clmi baarista iyo tayaynta arrimaha dowlad wanaagga la xiriira sida nabadgalyada, caddaaladda xallinta khilaafaadka iyo wixii la hal maala.
Masuliyiinta Jaamacadda Bariga Africa,guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Taliyaha qeybta, ku xigeenka xeer ilaaliyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wazaaradda amniga ayaa talooyin wax ku ool ah kasoo jeediyay kulanka isla markaasna uga mahad celiyay OCVP sida hufan ee war bixinta ay ula wadaageen Hy’adaha dowladda.
Talo soo jeedin iyo ra’yi is waydaarsi kadib, shirkii ayaa kusoo gabagaboobay farxad iyo dhiiri gelinta cilmi baarista si guud.
Daawo Sawirada Kulanka Cilmi baarista.