+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maantay  lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garowe intention airport  Sheekha Caankaa Ee Sh.C/qani qorane  maxamed  Sheekha oo kabadbaaday shilgaari oo bil kahor kadhacay duleedka caasimada puntland ayaan waxaa uu baaritaan dhica caafimaadkaa waxaa uu ugu maqnaa dalka dibadiisa waxaana uu dalka dib ugu soo noqday maantay isa goo ilaah mahadiis caaffimaadkii su taam yahay waxaana maantay loo soo meeyay soo dhaweyn heer qaran ah .

Soodhaweyntaan oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxaa kaqayb galay  Wasiiro kamid ah dowladda puntland culima aw diin  haween  arday  gudoomiyaha gobolka nugaal duqa magaladda garowe  iyo mas,uuliyiin kaloo badan .

Wasiirka caafimaadka dowladda puntland Dr.Sadiq Enow oo kamid ahaa mas,uuliyiin tii kaqayb gaadatay soo dhaweynta Sheekha ayaa goobta kahadlay waxaana Wasiirku yiri  waa illah mahadiis hadii eebe noo sooceliyay Sh C/qani Qorane oo caafimaad ah waxaana rajaynayaa in sh qorane uu mas,uuliyadii balaar nayd ee uu umada u hayay uu meesheedii kasii wadi doone waxaa isna goobta kah lay Wsiirkii hore ee mamulwanaaga dowladda Puntland Mudane Maxamed Cise Faarax Gaashaan  waxaana uu qiray in aan la ilaawi Karin kaalinta muga leh ee uu kagajiro jiritaanka umada reer Puntland waxaana Wasirku ku sifee yay in uu yahay  Sh.Xabdabka U tumay In uu buuxiyo kaalintii sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax  Ee Ahayd in uu jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal Uu kadhigo Maadada Caqiidada waxaana uu eebe uga baryay in caalimkaan iyo culimada kalaba noo daayo waxaana uu yiri sheekh waxaa maantay kusoo dhaweynaya kumanaan dadweyne ah oo kamida ardaydaadii aniga ayaana ugu  horeeya  waxaan kamid ahay ardaydii kaa qaadatay cilmiga sidaas waxaa yiri Wasiikii Hore ee maamul wanaaga Dowladda Puntland Mudane Maxamed Farax Ciise Gaashaan .

DSC01226DSC01269

Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed Waxaa uu shekhu ugu horaynba umahad celiyay Eebe Wayne  kadibna waxaa uu umahad celiyay dhamaan dadweynihii soo dhaweeyay waxaana uu eebe uga baryay in illah miisaanka xasanaadka u saaro waxaana uu  ujeediyay kalimado dardaaran iyo bogaadinba is kugu jirta  waxaana sheekhu  yiri  eebe waa idinka aqbalay  ducadiinii waana caafimaaday waana idiin soo noqday waana wada joogaynaa waxaana sheekhu ugu baaqay dadwenihii halkaas is kugu soo baxay in ay kawada shaqeeyaan mid nimadda iyo horumarka dintooda iyo dalkooda waxaana sheekhu sigaara ugu mahadceliyay  madaxweynaha dowladda Puntland Prof Cabdi Wali Maxmed Cali Gaas Waxaana Uu sidoo kale u mahadceliyay dhamaan culimadii iyo dadweynihii ducada ladabataagnaa waxaana uu yiri eebe miisaanka xasanaadka haidiin saaro .

Kadibna waxaa sheekha loo soo galbiyay guriga uu kadagan yahay magaalda garowe

Nuur  Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe

[email protected]

DSC01212 DSC01213 DSC01216 DSC01219 DSC01220 DSC01221 DSC01223 DSC01224 DSC01225  DSC01229 DSC01230 DSC01232 DSC01236 DSC01238 DSC01241 DSC01244 DSC01245 DSC01247 DSC01249 DSC01251 DSC01253 DSC01254 DSC01259