+252 90 7798232 [email protected]

Dumarka Dacwad Ee Mu,asasada AlMinhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa sanadwalba waxay qabtaan Shir Sanad le ah waxayna kaga hadlaan   arimo badan oo dan u ah diinta iyo horumarinta dacwada gaar ahaan sidii dumarku u noqon lahaayeen kuwa kusi fooba diin iyo dhaqan wanaag ,

Kulankaan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen dumar boqolaal ah kuwaas oo dhamaan tood laga dheehan karay wajiyadooda  farxad iyo faa iidooyin  ay kadhaxleen kulankaan   waxaa dumarka dacwada oo maalamhaan ba waday ollale dacwadeed  oo ay ku booqanayaan maraakizta dacwada iyo qaybo kamid ah maasaajida halkaas oo dumar badan igu yeerayeen  dacwada allah iyo zunada Nabigeena Muxamed Salallahu Calay hi Wasalam .DSC01170DSC01184

Shirkaan sanadla ha ah oo ka Duwanaa kuwii sanadadii hore  ayaa ahaa mid siwanaagsan loo soo agaasimay waxaana dumarka  dacwada ee hoosyimaada mu,asasada Alminhaaj  ay halkaas kusoo bandhigeen wax qabadkoodii sanadkii tagay  waxayna islamarkaa soo bandhigeen waxaay tiigsanayaan sanadka soo socda  waxaayna dumarka soomaaliyeed iyo guud ahaan Iyo Kuwa islaamka ugu baaqeen  kudhaqanka  diinta islamka iyo qabsashada zunada nabigeene .محمد صلى الله عليه وسلم 

waxaana halkaas balan lagu wada gaaray in siwada jir ah looga shaqeeye  fidinta iyo barashada diinteena suuban .

Nuur  Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe

[email protected]

DSC01163 DSC01172 DSC01175   DSC01188