+252 90 7798232 [email protected]

Xafladaan oo ahayd mid ay kasoo qaybgaleen mas uuliyiin dhinaca dowlada puntland ah iyo culima awdiin iyo aqoonyahano iyo  waalidiin  ayaa waxaa lagu soo bandhigay  kuleejka Maka Al Mukarama ee maantay xariga laga jaray .

Waxana ugu horayntiiba goobta kahadlay maamulaha kuleejka Maka Al Mukarama Sh C/Xakiim Shire Muuse Waxaana uu aad ugahadlay sida ay udiyaariyee kuleejka iyo adeega ay u  diyaariyeen bulshada kuleejkaan oo yeelan doona qaybo kaladuwan sida qayb jiif ah iyo qayb ardaydu subixii ay galayaan islamarkaana lasoo safaxayo maqribkii mudadaas oo ardayda lagu bari doono shareecada islaamka iyo  maa dooyinka aasaasigaa .

 

Kuleejkaan oo ay gacanta kuhayaan qaybo kamida culimada waaweyn ee puntland oo uu kamid yahay Sh Axmed Daahir Xasan waxaa isna goobta kalimada wacdi iyo waano iskugu jirta xafladda kasoo jeedshay Sh Maxmuud Xaaji Yuusuf Sheekha kalimad wacyi iyo waano  qiimi badan kadib  waxaa uu soo dhaweeyay kuleejka iyo  baahida looqabay waxaana uu ugu dardaarmay maamulka kuleej in ay siiwadaan dadaalkood waxaana gaari doontaa heer ardaydoo dhan lay diin soo wareejiyo  sidaas waxaa yiri Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf .

Waxa iyana dhan kooda soo dhaweeyay waalidiinta gobolka nugaal oo iya sheegay in ay ku qanacsan yihiin kuleejkaan iyo habka uu ushaqayn doono maadaama ay gacanta ku yahaan dad mas,uuliyiin ah waxaana isna dhankiisa kahadlay Sh Cabdi Qani Qorane waxaana soo dhaweyn iyo sida uu gu faraxsan yahay kuleejkaan kadib waxaa uu baaq udiray jaaliyad asoo maaliyeed iyo kuwa reer puntland in ay caruurtooda keen sadaan kuleejka Maka Al Mukarama .

Waxaa ugu danbayn tii  soo xiray xafladaan islamarkaana xariga kajay Kuleejka Maka Al Mukarama  Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/Qani Xaashi Cali waxaana gudoomiyuhu sheegay in lalasoo daahan kuleejkaan isla markaana waxweyn kataridoono baahidii wax barasho ee dadku uqabeen in ay helaan kuleej kaan oo kale waxaana uu balanqaaday Gudoomiye Xaashi In ay lasocdoonaan kuleejkaan islamrkaana soodhaweeynayaan dhan kooda waxaana uu kacodsaday maamulka kuleejka Maka Al Mukarama In ay ilalaiyaan balanta iyo waxa wanagsan ee ay usoo bandhigeen bulshada waxaana uu waaridiin ta ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka Kuleejka Maka Al Mukarama waxaana Uu xaqiijiyay  in lagabilaabo maantay Uu kuleejku inoo furan yahay .

Nuur  Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe

[email protected]

DSC01283 DSC01284 DSC01282 DSC01281 DSC01279 DSC01285 DSC01286 DSC01287 DSC01288 DSC01289 DSC01290 DSC01293 DSC01295 DSC01298 DSC01300 DSC01305 DSC01308 DSC01301 DSC01309 DSC01311 DSC01315 DSC01316 DSC01323 DSC01328