+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa mantay jamacada baroga afrika faraceeda Gobolka Nugaal lagu soo bandhigay kuliyad cusub oo jaamacada lagu soo kordhiyay kuliyadaan oo ah kuliyada caafimaadka ee saraakiisha  .

Waxaana xafladaan ksoo qayb galay  mas,uuliyiin kasocotay dowladda puntland culima Awdiin Aqoon yahano Dhakhaatiir Arday iyo Dadkaloo Aad Ufarabadan.

Waxaana ugu horayntiiba Xafladda kahadlay gudoomiyaha jaamacada bariga afriga faraceeda Gobolka Nugaal Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana uu faahfaahin kabixiyay kuliyadaa iyo dadaalka ay ugaleen in loo helo dalkeena waxaana Sheekhu Sheegay in ay iska kaashanayaa Jaamacada Bariga Afrika iyo ururka dhakhaatiirta Puntland iyo Wasaarada Caafimaadka  iyo sidoo kale hayada manhal oo kacaawisay dhismaha  kuliyadaan.

Waxaa isna goob jog ka ahaa xafladaan Gudoomiyaha guud ee  Jaamacada bariga afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa sheegay in Kuliyadan ay ugu talagaleen in jaamacada ay kordhin doonto kuliyadaha kala duwan ee baahiyaha aas aasiga u ah Ardeyda ku nool gudaha Puntland.

Sidoo kale maamulaha ayaa waxaa uu sheegay in ay u mahad celinayaan cid kasta oo gacan mug leh ka geysatay hirgelinta Kuliyadan Caafimaadka ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay.

Waxaa isna dhankiisa kahadlay xafladaan  gudomiyaha dhakhaatiirta puntland Dr Cartan oo  sidoo kale kamid ah dhakhaatiirta siin doonta ardaydaan  cilmiga ayaa sheegay in aysan waxba kahagran doonin arday walbana u diyaar garoobo mas uuliyad balaaran  maadaama wax lagu barayo hantidii dalka .waxaa sidoo akle isna kahadlay goobta Wasiirka Caafimaadka Dr Axmed Saadiq Enow Waxaana wasiirku halkaas uga mahadceliyay  dhamaan intii  gacan ka gaysatay in ay suurta gasho kuliyadaan caafimaadka waxaana wasiirku xusay in howshaan ay balaaran tahay  wasaaraduna ugu talagashay in lagaar siiyo kun magaalo oo ubadan kuwa kafog laamiga waxaana howshaan gogasha udhigay tiimkaan maantay ku fakaray in ay noqdaan kuwii dhagax dhigay  waxbarahada saraakiisha caafimaadka .

DSC01341zzzz

Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa u mahad celiyay Madaxda Jaamacada Bariga Africa, Hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahaynna ku booriyay in ay howshan gacan ka geystaan.

Nuur  Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe

[email protected]

DSC01334 DSC01335 DSC01339 DSC01341 DSC01346 DSC01350  DSC01359 DSC01365 DSC01366DSC01355