+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa caawa kabilaabatay  masjidka Al Raxma magaladda Garowe  Ee Caasimada Puntland  Xamla dacawi ah oo ay kasoo qayb galeen  Culimo can ku ah fidinta dacwada allah  iyo ugargaarida  Sunada  waxaana Culimadaan hogaaminayay  Sh.Axmed Cabdi Samad  Waxaa sidoo kale kamid ah Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) Waxaa  isna xamladaan dacawigaa ee ah tii sadaxaad  kasoo qayb galay Sh.Cabdi Qani Qorane oo isna  dhawaan dalka dibadiisa safar caafimaad kaga yimid.

Waxaana caawa sadexdaan Sheekh ay soo jeediyeen muxaadaraat aad loo gu diirsaday  muxaadaraat kaan ayaa imaanaya xil dadku ay aad ugu baah naayeen mowduucayadii ay culimadaani kahdashay waxaana darsiga qayb tiisii hore galay Sh Axmed Cabdi samad Sheekha aya aaad ugu dheeraaday mowduucii uu ku qornaa o ahaa  Towxiidka iyo asabaaha lagadoonaayo qofku in uu uqabsado waxaana sheekhu ku cabiray in towxiidku yahay waxa ugu muhiim san ee ladoo nayo qofku in uu iska saxo  haduu ka khaldamo qofa waxaa uu mutaysanayaa cadaab iyo ciqaab waxaana laynaka doonayaa in aan iskasaxno towxiid ka islamarkaana  qofku uusan ku cabirin fikir ee uu ku qaato Dariiqii Nabigeena .

Waxaana wadataas kuu  balan qaadaysaa badbaadada labada  daarood ayuu yiri sheekhu  waxaana  ugudanbayn tii sheekhu ugu baaqay  dadweynaha in ay Towxiidka Iskasaxaan odaybaa yiri iyo waa ahaanjirtay midna aan lagadhigan  wado .

Waxaa darsiga qaybtii kuxigtay galay  Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) Oo isna ku qornaa Barahada Cilmiga iyo Fadligiisa waxaana sheeku sheegay in qofku uusan nolol sax ah noolaankarin cilmi la,aan waxaana si dhab ah luugu baahan yahay in labarto cilmiga sharcigaa kaas oo ah kan ku badbaadinaya  qofkaan maantay wax baranna bari waxaa uu latogo aakhiro waxay noqonaysaan ceeb iyo caaryaad  Sh ayaa kudaray in uusan qofna heli Karin maantay  cududaar  ah mahelin wax wax ibara ee cilmigii manatay yaal meel walba qofkii doonaya in uu barto uu si sahlan ku helayo .

DSC01423DSC01410

Waxaa caawa soo khatimay  Xamladaan dacawigaa oo socon doonta sadex habeen Sh Cabdi Qani Qorane  Waxaana Sheekhu Qaadaadhigay  Ciwaanka Ah Walaal tinimad  islamaka waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday in lagadoonayo muslimiinta in xaqa laysku kaashado  oo aan xaaraanta  iyo xumaanta aan laysku kaashan sidii eebe sheegay waxaana  sheekhu qiray in aysan muslimiintu kalmudnayn in dhiigooda ladaadiyo laguna banaysto ee baayiri di loo been ah waxaana mudan in dhinac looga sooo wada jeesto wixii khaldan islamarkaana ladhowro  xuquuqda  muslimiintu isku lee yihiin  .

HALKAAN KADHAGAYSO  SADEXDA SHEEKH MUXAADARAAT KOODII :;;

Nuur Jaamac Aadam

Xafiiska warbaahinta Mu,asasada AlMinhaaj Puntland

[email protected]

 

 

DSC01427 DSC01426 DSC01425  DSC01401 DSC01404  DSC01411 DSC01389 DSC01390 DSC01400 DSC01387 DSC01388