+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa habeenkii labaad gashay muxaadaraatkii xiriirka ahaa e kasocday masjidka Alraxma Magalada Garowe Caasimada  Puntaland waxaana caawa  Muxaadarada qaybteedii kowaad  soo jeedshay sheekh Axmed Maxamed (Dabiixi) waxaana sheekhu aad u faaf faahiyay arkaanta islaamaka gaar ahaan  waxaa uu aad ugu dheeraaday rukniga salaada oo sheekhu sheegay in uu mudan yahay in tii qofku waxuu san u bin ku cibaadaysan lahaa in uu iska saxo salaada iyo arkaan teeda.

waxaa sidoo kale sheekhu qaadaa dhigay rukniga sakada waxaana uu ugu baaqay bulashada in ay bixiso sakada islamarkaana lana siiyo  cidi eebe  ujideeyay  .

waxaa qaybta labaad caawa soo jeedshay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf  Sheekha ayaa caawa waxaa uu kahadlay sadex mowduuc oo muhiim ahaa kuwaas oo in badan bulshadu ku halaagsan tay waxayna kala ahaayeen

(1)Tahriibta

(2)Noocyada darooga da

(3)Xurmada uu leeyahay dhiiga muslimiintu

Waxaa sheekhu caawa soo bandhigay muxaadaro aad u qiimo badan waxaana uu si xikmadaysan u kaladhigay sadexda moqduuc  eek or ku xusan waxaana sheekhu aad ugu dheraaday mukhaadaraatka qay bihiisa kaladuwan haba ugudarnaadee qaadku dhibaatada uu bulshada ku hayo .

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Oo bilihii lasoo dhaafayba aad ugu olalaynayay dabar goynta mukhaadaraatka ayaa caawa muxaada radiisa kaga faa iidaystay baaq uu u diray umada soomalaiyeed sidii layskaga kaashan lahaa sidii loo dabar goyn lahaa dhamaan mukhaadaraatka gaar ahaan qaadka .

DSC01467DSC01468

Intaaskadib sheekhu waxaa uu kadigay tahriibta oo in dhawaale ba farakulul ku haysay bulsha gaar ahaan sheekhu waxaa uu kalataliyay dhalin yarada in aysan naftooda halaagin . dhanka kale waxaa sheekhu kadigay fikirka qoloocan ee gaalaysiinta kaas oo bulshada dhiigeeda iyo maalkeeda lagu banaysanayo.

Intaas kadib waxaa la gudagalay qaybtii sadaxaad waxaana ku qornaa Sh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana sheekhu soo bandhigay sadexda mowduuc oo kala ah Xijaabka  Iyo Guurka Iyo  Moqduucyo ku saabsan arimaha Bulshada waxaana sheekhu  gabdhaaha iyo wiilashaba ugu baaqay in aysan midna katagin astturaada gaar ahaan dumarku waa kuwaajib in ay xirtaan xijaab qariyaan na jirkooda waxaana dhanka kale ugu  baaqay dhalin yadaradu in ay guursadaan siloo bato waxaana sheekhu tusaale usoo qaatay Falastii waxay ku badbaaday waa guurka badan waxaana uu yiri waxaa dagaalkii dhawaa laga dilay 1000 qof waxaana islammudadaas u dhasahay in kabadan  3000 oo ilmood .

Nuur Jaamac Aadam 

Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland

DSC01473 DSC01474 DSC01482 DSC01472 DSC01469   DSC01457 DSC01458 DSC01460 DSC01463