Maanta waa maalinkii carafa, waxaa bilaabatay in xujeydu xagga Carafa u jihaystaan qaar gawaari saaran iyo qaar lugaynayaba, shalay iyo xalay waxaa la joogey Mina Alxamdulilal.. Mar dhoweyd oo aan teendhada banaanka uga baxay waxaan arkayaa xujeydii oo banka Carafa u qul quleysa, Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu nabad nagu geeyo, nagana dhigo dhamaan kuwa la aqbalay oo maanta qoortooda naar laga xoreeyey. Walaalaha fariimaha badan soo qoraya jazakumullah khayr sidaad khayrka u jeceshihiin, laakiin ogaada waqtiga iyo awooda iyo meesha la joogaba waa koobanyihiin mana wada akhriyi karo fariimaha, laakiin duco aan waxba ka tegin rabbina u xisaabsan ayaan idiin ku duceynayaa mar walba, waana Tan:
Ilaahow qof walba oo Muskima oo duca isoo faray, ama isoo weydiiyey, ama igu soo adkeeyey, oo aan xusuustayda iyo awoodayda yartaa wada gaarin, Ilaahow annaga iyo isagaba noo dembi dhaaf, ilaahow na astur aduun iyo akhiro, ilaahow naarta naga xoreey janadaadana na geli, ilaahow qof walba waxa qalbigiisa ku jira, iyo danta uu leeyahay, iyo xaajadiisa ilaahow adigaa og, adaana awooda, Rabbiyow qof walba rajadiisa iyo himiladiisa labada daaroodba gaarsii, oo u xaqiiji, ilaahow dhamaantaya, walaalahaya, ilmahayaga, xaasaskayaga, qaraabadayada, macalimiintayada, culimadayada, asxaabtayada, qof walba oo Dartaa noo jecel, oo aanu dartaa u jecelnahay, ilaahow dhamaantaya janaatul firdowsa nagu kulmi oo maanta fadliga crafa nasiibka ugu weyn naga sii, aamiin.. Aamiin..aamiin.
Sh. Maxamed Idris Axmed
alminhaaj.com
Somalireal.com