Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday goboladda puntland abaabul balaaran oo ay garwadeen kayihiin Culimada iyo waxgarad kale waxaana looga tashanayay sidii laga yeeli lahaa xaalda walaalaha kunool gobolka gedo oo ay ku dhufateen abaaro balaaran abaarahaas oo sababay dhimasho dad iyo duunyo leh waxaana shirar Kaan oo ah kuwa aan kala go lahayn ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanada puntland.
waxaana ugu horayntiiba laysla qaatay sidii eebe loogu baryi lahaa in uu kadulqaado abaarta iyo bilo la,aanta waxaana laysla meel dhigay in masaajidda looga qunuudo salaadaha kadib si jamaaci ah waxaana laga dareemayaa dhamaan maasaa jidda waaweeyn duco aan kala go, lahayn taas oo eebe loogu baryayo in uu kadulqaado abaarta iyo haraadka ku habsaday walaala heen reer GEDO .
waxaa sidoo kale loo balan san yahay hadii xaaladu kasii darto in kulankan kabalaaran iyo tashi guud layskugu yimaado maa daama reer puntland horay go,aan ugu gaareen in wax walba oo dhib ah laysku tashado sidii wadajir ah na loo waajaho wixii dhib ah ,
NUUR JAAMAC AADAM
XAFIISKA WARFAAFINTA MU’ASASADA AL-MINHAAJ PUNTLAND