+252 90 7798232 [email protected]

1111

Sudan:-Raabidada ardayda soomaaliyeed ee caalamiga ah ee xarunteedu tahay sudan gaar ahaan khartoum  hoostagtana jamacada ictisaam bilkitaab wa sunnah,ayaa soo agaasintay rixlo ama dalxiis ay ka qayb galeen   ardayda somaliyyeed  ee ku  nool magalada Khartoum iyo waliba kuwo ku joogay fasaxa magaalada Khartoum ee ka yimid gobalada sudan ee kala duwan.
Rixladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay tiro arday ah oo kor u dhaaftay 200  .

Maalintii talaadada ahayd  kuna beegnayd maalintii afraad ee maalmaha ciida 7/10/2014  waxaa  xubnaha ardayda iyo waliba ardayda somaaliyeed ee kale ka qayb galeen rixladaan taarikhiga ah   madama lagu guda jiray maalmo aad u qiima badan ardayduna wada ahaayeen fasax .

Rixlada ama daalxiiskaan ay  soo agaasintay rabidada ayaa waxaa uu ka koobnaa sida tan:

Qur,aan uu akhriyay Maxamed Shurayb ,kalimad soo dhawayna uu soo jeediyay  xoghayaha rabidada Cabdicasiis Nuur Caabi  kalimad wacdiya  uu soo jeediyay sheekh .dr maxamuud sh axmed (Abuushayba) sheekha ayaa kala hadlay ardayda soomaaliyeed dhinacyo badan si gaar ahaana waxaa uu ugu booriyay sheekhu ardaayda allle kaacaabsiga iyo kutoosnaanta wadada saxda ah .
Sidoo kale rabidada ayaa soo bandhigtay baaraamij saqaafi ah  oo ay ku jirtay nadwo iyo waliba fatro  ama waqti furan oo aragtidooda  ay kusoo bandhigeen kaqayb galayaashii rixlada.

Safarkaan ayaa bilowday sacada markii ay ahayd sudan 8:30 AM waxaana uu soo gaba gaboobay sacadu markay ahayd 5:30 PM .


Safarka ama rixladaas tarfiihigaa ee ay soo agaasintay rabidada ardayda somaliyeed ee calamigaa ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan oo farxad leh   waxaana soogaba gabeeyay madaxa rabidada Sh. Xasan Muuse Nuux waxaana laga dheehan karay wajiyada ardayda soomaaliyeed ee sudan kana qayb galay rixlada farxad aad u badan madaama aay ahayd  fursada ay kaheleen ardayda somaliyeed rabidada mid aan ku badnayn magaladaa Khartoum.

 alminhaaj.com

Xoghayaha rabidada : Cabdi Casiis Nuur Caabi
Halgan.net