+252 90 7798232 [email protected]

Markabka sida qalabka lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Ee Bandarqaasim magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu maanta ku xirtay  Dekeda magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari. Waxaa sidoo kale gaaray Dekeda magaalada Bosaso masuuliinta Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso,isimo ,siyaasiyiin iyo Injineerada shirkadda dhisaysa Garoonka Diyaaradaha  Bandarqaasim CCECC .

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim  Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay  in bilaha soo socda ay Puntland yeelan doonto Garoon Caalami ah oo ka soo degaan diyaaradaha caalamiga ah .

Bashiir Muuse Cabdiraxmaan Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim  ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso uu qeyb ka yahay balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’

Waxaa sidoo kale gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland .

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Galan  iyo Duqa Magaalada Boosaaso Xasan Cabadala ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalabka dhismaha ee Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim  ee maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.[Gallery not found]