Mu’asasada Al- minhaajeedacwadaiyohormarintaayaakabilowdaymagaaladaboosaasogaarahaanmasjidkaweynee Al-rowda,Ololegurmadloogufidinayodadkakudhaqandeegannadagedoeekuwaxyeellobayabaarahabaahsaneekadhacaygobolka,iyadooaysanhalkaasmuddosaddexsano ah kada’in wax roob ah.
Uguhorreyntii Sh.CabdiraxmanMaxamedDhowre(Bukhaari)ayaawuxuujeedshaykalimadwacdi ah oouukagahadlayfadliga ay leedahay in ilaahaydartiis waxloolabaxo,kunabooriyeybulshadainaykaalmeeyaanwalaalahoodatabaalaysaneeku wax yeelloobayabaarahadabadadheer eeku habsadaydeegaannadas.
Guddoomiye kuxigeenka Al-minhaaj CiiseSiciidMaxamedoointaakadib hadalka qaatay ayaa isaga iyo nabaddoon Ibraahim waxa ay kawar baxsheen baaxadda ay leedahay abaaraha kataagan deegaanadaas iyo wax yeelladayay geestay, iyagoo labaduba tilmaamay inay abaartu dad iyo duunyaba saameyn weeyn u geesatay ayna yartahay gurmadka ilaa iyo hadda gaaray si loo badbaadsho dadkaas.
Dhinaca kale MaxamuudFaarax Bile oo ku hadlayay afka ganacsatada ayaa tilmaamay in ganacsatadu yihiin cidda u weyn ee laga sugayo inay u gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, kana codsaday inay sii laba laaban dadaalkooda, qaataanna dowrka ay ummadu kasugayso.
Janeral Cali Ismaaciil oo isna kuhadlayay magaca aqoonyahanka ayaa bulshada Puntland ku dhaqan kacodsaday inay kaqeybqaataan ololahan, kana soo baxaan kaalintii looga bartay waligood,isagoo sigaar ahna u xusay bahda aqoonyahank asomaaliyeed si ay uga qeybqataan qayla dhaantaas.
Dhanka kale waxaa madasha kahadlay soona gabagabeeyey barnaamijka wajigiisa hore Gudoomiyaha nabaddoonada gobolka bari iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ayaguna ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan gurmadka dowrkooda dhaqan ahaan ay soo buuxin doonan.
Intaas ka dib ayaa waxaa sitoosa u bilaabmatay lacag aruurintii ayadoo dadweynuhu durbaba ka jawaabeen codsigaasi iyo qayla dhaantaas kasooyeertay culimada, hogaanka dhaqanka iyo aqoonyahka , ayagoo kudeeqaya qof walba iyo awoodiisa.
Ugudanbayntii waxaa laga codsaday dhammaan bulshaweynta soomaaliyeed meelkasto ay ku dhaqanyihiin in ay kaqeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo walaalahooda tabaalaysan, ayna uga qayb qaataan qof walba iyo waxa uu awoodo, hadday ahaan lahayd wax la quuto, ama lacag ahaan , ama gaarsiin annagoo ku dhaqmeyna xadiiskii nabigeena NNKH: “iska xijiya naarta haba ahaatee timir jeexeed”.
Barnaamijkan ayaa waxa uusii socon doonaa maalmahan soosocda ayadoo Al-minhaaj u xilsaartay guddi sare oo isugu jira dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo kala ah sida tan:
- Sh. Daahir Aw Cabdi.
- Sh. AxmedDaahirXasanXuseen.
- Sh. Cabdiraxmaan Maxamed Dhowrre(Bukhaari)
- Jeneral Cali Ismaaciil.
- Maxamud Faarax bile.
- Sh. Axmed Faarax warsame.
- Nabadoon Cabdulqaadir Xarrago.
- Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
- Cabdikaafi Axmed Siciid.
- Yaasiin Cartan.
- Nabadoon Ibraahim.
- Ciise Maxamed Ciise.
Waxaa sidoo kale la saaray guddi farsamo oo ay lasoo xiriiri doonaan cid walba oorabta inay kaqayb qaadato gurmadka dal iyo dibadba, gudigaasookala ah:
- Sh. Faarax Maxamed Cajab: +252907799914
- Sh. Axmed Yuusuf Daad: +252907793171.
- Sh. Fu aad Maxamud XaajiNuur: +252907796089.
- Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir: +252907777275.
Waxaana lagu soo aadin doonaa lacagaha dalka iyo dibaddiisaba akoonnadaan kaladuwan ookala ah:
A/C Dahabshiil: BSSD004293.
A/C Amal: 49747
A/C SAHAL SERVICE: 439194.