Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay safar ku marayay dhulka baadiyaha ah Gudomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Iyo Wafti Uu hogaminayo Waftigaan O u kuurgalayay xaaldaha ay kusugan yihiin dadka reer guraaga ah waxayna in tabadan waftigu isha ku hayeen Dhinaca Baahidda dacwada ee deegaanadii ay marayeen .
Waxaana kamid ahaa baahiyadii ay arkeen waftigaani barasho la’aanta guud ahaan diinta islaamka gaar ahaan Qur’aanka kariimkaa waxaana Mu,asasadu Kudhiiri Galisay Dadka Dagan Deegaanka ( KUDAADSHEEN ) Oo 10KM ujira tuuladda Uus Gure In laga furo madaraso qur’aan waxaana laysla qaatay in halkaas oo laga furo madaraso lagu barto Qur’aanka iyo Wixii la xiriira barashadda Diintena Suuban .
Halkaas ayaana geed ku yaal dooxada weyn ee ku daadsheen laga hirgaliyay madaraso Qur’aan waxaana islamrkiiba iska soo buuxshay dadbadan oo reer badiye deganaa dooxada kuwaas oo iskugujira rag iyo dammar
Isku soo wada duuboo furitaanka madarasadaan iyo dhamaan dacwada ay kawadao Mu’asasadu Tuulooyinka Iyo Meelaha Baadiyahaa Ayaa Imaanaysa waqti dadweynuhu baahi weyn u qabaan barashada kitaab ka ALLAH IYO ZUNADA NABI MUXAMED SALLAHU CALEEHI WASALAM .
Nuur Jaamac Aadan Xafiiska WarbaahinTa Mu’asasada Al-Minhaaj