maanta oo taariikhdu tahay 04/12/2014 waxaa Golaha wada tashiga ee mu’asasada al mihaaj u furmay laxisaabtanka Shaqadii ay qabteen lixdii bilood ee lasoodhaafay Golaha fulinta mu’asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal .
la xisaabtankaan dhexmaray labada gole ayaa waxaa lagu casumay oo goob joogna ka ahaa waxgarad iyo culimo ka tirsan Golaha guud ee mu’asasada .
kulankaan oo bilaoday 6:00 AM ayaa la soo gabagabeeyay 8:00PM waxaana lagula xisaabtamay qaybaha kaladuwan ee xafiisyada fulineed ee mu’asasada sida:
1- Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta
2-Xafiiska Dhaqaalaha
3- Xafiiska Warbahinta Iyo Xoghaynta
4-Xafiiska Xubnaha Iyo Bulshada
5- Xafiiska Mashaariicda
Xafiisyadaan ayaa soo bandagay waxqabadkooda lixda bilood islamarkaana su’aalana laga waydiiayay loona soo jeediyay talooyin ku aadan dardargalinta hawlohooda.
waxaa xusid mudan in dib loo dhigay xafiisyo kale oo ay kamidyihiin xafiiska dumarka iyo waxyigalinta ubadka .