+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa caawa oo  taariikhdu tahay 16/12/2014 Gashay habeen kii labaad Nadwo Cilmiyeed kii kasocotay masjidka Al-Huda  Magaaladda Garowe  waxaana caawa darsiga kuqornaa Sh Fu,aad Xaaji Nuur Waxaana Sheekhu Ciwaan ugadhigay  Quraxda Gabadha muslimkaa  ciwaankaan oo ahaa mid siwanaagsan sheekhu u lafaguray maxaa  u banana gabadha muslimadaa in ay isku qurxiso iyo sidoo kale maxaa  diintu kareebtay .

vlcsnap-2014-12-17-00h20m29s201vlcsnap-2014-12-15-23h49m52s210vlcsnap-2014-12-17-00h21m52s15

Sheekh Fu,aad oo kamid ah culimada caanka ku ah isticmaalka suugaanta soomaaliyeed  ayaa soo qaatay  Ayaat ka qur,aanka kariimkaa iyo Zunada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Calayhi Wasalam ay ku xarimeen In gabadhu jirkeeda badasho oo midabkii eebe u abuuray kukalsoo naan weydo taas oo sheekhu sheegay in ay kubadan tahya gabdhaha soomaaliyeed .

Waxaana sheekhu dhankakale gadigay suntan iyo kiimikada kaladuwan ee kujirta dawada dumarku isku cadeeyaan waxaana sheekhu sheegay in ay kadhashaan cuduro tirabadan oo ay kamid yihiin cudurka gansarka iyo kuwabadan oo sababa dhalmala,aanta /indha la,aanta iyo waliba in gabadhu aysan cimrikeeda kugaarin caafimaad .

Ugu danbayntii waxaa sheekhu kulataliyay gabdhaha in ay ku kalsoo naadaan abuurtii allaah u abuuray  iyada ayayna sharaf kuleeyihiin kuna gaarayaan wanaag dhamaan tiis .

Waxaa lasoo gaaray qaybtii Su,aalaha dadweynaha iyo jawaabihii culimadda waxaana Su,aalaha qayb tii ugu horaysay loogu yeeray Sh C/Naasir Xaaji Axmed Waxaana sheekha lasoo weydiiyay Su,aalo Dhowr ah waxaana sheekhu  kashaafiyay dhamaan su,aalihii lasoo weydiiyay waxayna ahaayeen dhamaan su,aalahaan kuwa aad muhiim u ah bulasha .

Waxaa isna dhan kiisa su,aalaha qaybtii ku xigtay loogu yeeray Sh. Xasan Maxamed Muuse (Sh Xasan Bookh) waxaana sheekha Su,aalo Dhowr Ah lasoo weydiiyay  kuwaas oo dhamaan  ku saabsanaa Darsigii sheekhu Xalay galay waxaana lasoo weydiiyay Su,aalo aad u cajiib ah kuwaas oo kusaabsanaa sidii lagu dooran lahaa guurka wanaagsan rag iyo dumar .

Waxaa su,aalaha qaybtii kuxigtay loogu yeeray Sh .Fu,aad Xaaji Nuur Waxaana wax badan laga soo wey diiyay dhaqanka iyo suugaanta soomaliyeed iyo waliba in tasharcigu baneeyay  waxaana sheekha kamid ahaa su,aalihii uu kajwaabay Cayaarta looyaqaan dhaantada .

Waxaa lagu soo afmeeray su,aalihii laweydiiyay Sh.Maxamuud Xaaji Waxaana sheekha u badnaayeen su,aalihii laweydiiyay Kuwafiqi ah iyo sidookale kuwakahadlaya Deegaanka .

Waxaa habeendanbe loo balan san yahya darsigiin sadaxaad iyo Sh Xasan Maxamed Ibraahiim Abuu Xasaan  oo ciwaankiisu yahay (mas uu liyada lagarabo qoyska muslimkaa )

Nuur Jaamac Aadan  ([email protected])

Xafiiska warbaahinta Mu,asasada Alminhaaj Puntland 

vlcsnap-2014-12-09-05h55m42s116 vlcsnap-2014-12-15-23h49m47s168   vlcsnap-2014-12-17-00h20m51s168 vlcsnap-2014-12-17-00h21m07s72 vlcsnap-2014-12-17-00h21m47s217  vlcsnap-2014-12-17-00h22m06s152 vlcsnap-2014-12-17-00h23m05s233 vlcsnap-2014-12-17-00h23m11s31 vlcsnap-2014-12-17-00h23m27s200 vlcsnap-2014-12-17-00h24m17s176 vlcsnap-2014-12-17-00h24m24s248 vlcsnap-2014-12-17-00h24m30s44 vlcsnap-2014-12-17-00h24m49s246 vlcsnap-2014-12-17-00h24m54s36 vlcsnap-2014-12-17-00h25m28s120 vlcsnap-2014-12-17-00h26m14s72 vlcsnap-2014-12-17-00h26m17s105