Xaflad oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaa simay ayaa kadhacday Degmadda Dangoroyo ee Gobolka Nugaal waxaana la gu maa muu sayay Tafsiirka Qur,aanka kariimkaa oo dhamaaday .
Waxaana xafladaan kasoo qayb galay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan Sida culima Awdiinga Maamulka degmada, Maamulka waxbarashada ee degmada, Odayaasha ,Dumarka waxaana dhamaan dadkii ka hadlay xaflada ay sheegeen in ay tani tahay mid ku dayasho mudan .
Culimadii Xaflada kahadlay waxay sheegeen in qur,aanka oo labartaa macniiisa iyo akhriskiisaba ay bulshada u tahay laf dhabar waxayna u dardaarmeen guud ahaan bulashudu in ay bartaan diintooda .
Tafsiirkaan oo ah markii lixaad oo uu dhamaado waxaa maal galisa Jumciyada Wanaag farida Iyo Xumaan Reebida Xafiiskeeda Weyn y ee magaaladda Garowe .
Gudoomiyaha Jumciyada Wanaag farida iyo Xumaan Reebida Sh.Maxamed Xamari oo goobta kahadlay ayaa balan qaaday in dhan kooda jumciyadu sii wadi doon to dadaalka ay ugu jirto faafinta iyo diiri galinta dacwada Allah.
Waxaana xafladda soo xiray Gudoomiyaha wax barashada Degmada Dan goroyo Cabdullahi Xaaji Ciise isagu horayntiiba u mahad celiyay Jumciyada Alamru Bil Macrufi Wanahyi Canil Munkari waxaana uu ku amaanay dadaalka dii meed ee ay wadaan .
Mar aan makarafoomka ladhax qaad nay dad kii ka faa iidaystay Tafsiirka Ayaa noo sheegay in ay gaareen guulo mihiim ah islamarkaana sii wadi doo naan barashada diinta islaamka.